Sabti, September 06, 2008(HOL): Runtii waa wax laga naxo marka aad u fiirsato nolasha Qoysas badan oo ku dhaqan Tuulada Hiiraan oo qiyaastii 12-km u jirta Magaalada Beledweyne, kuwaas oo markii ay waayeen wax ay Cunaan iyaga iyo Xoolihii ay dhaqanayeen bilaabay in ay quutaan wax kasta oo ay u arkaan in ay Nafta ku ceshan karaan.
Xoolaha ay dhaqdaan dadka ku Nool Tuulada Hiiraan oo u badan Lo’ iyo Ari ayaa inta ka soo hartay waxaa lagu quudiyaan Cowska Saqafka sare u ah Guryaha bur bursan oo ay ku nool yihiin dadka Tuulada, taasoo keentay in ay Tuulada ku soo haraan Guryo aan laheyn Saqaf kore.
"Subixii marka uu waagu baryo cid kasta hadii ay ahaan la haayeen Waayeel, Caruur, iyo waliba Haween waxaa loo kalahaa sidii loo soo heli lahaa wax lagu noolaado, laakiin mar marka qaar waxaa dhacda in la soo wada laabtay iyadoo aan waxba gacan lagu heyn, sidaa waxaa HOL u sheegay Guddoomiyaha Tuulada oo intaas ku daray in mar marka qaar la arkay 24 saac oo xiriir ah aan waxba Dibnaha la marin.
Guddoomiyaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay deeqaha is daba jooga ah ee Jaaliyadaha dibada ku soo caawiyaan dadka gudaha ku dhabaateysan, kuwaas oo sida uu hadalka u dhgay kaliya la gaarsiiyo dadka ay Ehelada yihiin kuwa kaalmada soo diray, isagoo intaas sii raaciyay in kaalmadu ku wanaagsan tahay dadka u baahan.
"Annaga haddii aynu nahay Beesha Jareer Weyne ee ku dhaqan Tuulada Hiiraan waxaa muuqaneysa in xaaladdeena layskaba ilaabay, sidaa daraadeed Jaaliyadaha dibadda waa in kaalmada ay soo dirayaan aysan ku xirin sharuudo ku saleysan goobaha lagu qeybinayo, balse lagu saleeyo hadba sida baahidu u jirto, ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Guddoomiyaha.
Mas'uuliyiin ka tirsan Urur lagu magacaabo Daljirre oo booqday Tuulada ayaa sheegay in dadka halkaas ku dhaqan yihiin kuwo mudan in ay helaan gacan Bani'aadanimo, dhawaana waxaa ay sheegeen in ay gaarsiin doonaan deeq aan badneyn laakiin ugu yaraan wax ka tari karta baahida jirta.
Tuulada Hiiraan waa Tuulo facweyn, waana Tuulada uu ka soo jeedo magaca ( Hiiraan) sida laga soo xigtay dadka sida weyn ula socda Taariikhda Gobalka, waxaana ay caan ku tahay marka laga soo tago dhaqashada Xoolaha sidoo kale beeraha oo dalaga ka soo go'a loo iib geen jiray deegaanada kale ee Gobalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Xaaladda Bani'aadanimo tii ugu darneyd oo ka taagan Tuulada Hiiraan oo ka tirsan Degmada Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- Magaalada Kismaayo oo Maamul loo sameeyay
- Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho
- Xoogagga Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Wanla-weyn
- Hay’adda Amnesty International oo ku baaqay in la sii daayo Dad ay Kooxo Burcad Badeed ah ku heystaan Xeebaha Soomaaliya
- Meydadka Dad Rayid ah oo laga helay Deegaannadii ay Shalay Dagaallada ka dhaceen ee Degmada Berdaale