Sabti, September 06, 2008(HOL): Xoogagga Ururka Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelada Hoose oo dhawaanahan laga soo sheegayay falal nabadgelyo darro ah.
Xoogagga Al-Shabaab ayaa markii ay tageen Degmadaas waxaa si diiran u soo dhaweeyay Dadka Degmada ku dhaqan, kuwaasi oo qaati ka joogay falal nabadgelyo darro ah oo degmada ku soo kordhay.
Sida ay ku waramayaan Dad aan kala xiriirnay Degmada Wanla-weyn ma jirin wax iska caabin ah oo ay la kulmeen Xoogagga Al-Shabaab, waxayna si nabadgelyo ah kula wareegeen gacan ku heynta Degmada Wanla-weyn.
Falalkii ugu dambeeyay ee nabadgelyo darro ee ka dhacay Degmada Wanla-weyn ayaa waxay ahaayeen dil gudaha Degmadaas loogu geystay seddex ruux oo ku jiray Maqaayad laga cunteeyo, kuwaasi oo ay toogteen kooxo hubeysan.
Xoogagga Al-Shabaab ayaa dhawaanahan ayaa waxay la wareegayeen gacan ku heynta Degmooyin dhowr ah oo ku yaalla Gobollada Shabeelaha Hoose, Bay iyo Bakool, kuwaasi oo haatan uu ku sii yaraanayo maamulka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia