Sabti, September 06, 2008(HOL): Hay’adda Amnesty International ee u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa waxay ku baaqday in la sii daayo dad ay kooxo Burcad Badeed ah ku heystaan Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo la socday Maraakiib ay Kooxahaas Burcadda Badda qafaasheen.
Ilaa bishii July ee aynu ka soo gudubnay waxaa xeebaha Soomaaliya lagu qafaashay 10 Markab oo ay ugu dambeeyeen Doon ay saarnaayeen Dalxiisayaal Faransiis ah iyo Markab laga leeyahay Dalka Masar.
130 Shaqaale ah oo saaran Maraakiibtaas la qafaashay ayay ku baaqday Amnesty International in la sii daayo, iyadoo maamullada Soomaalidana ugu baaqday in dadkaas la heystayaasha ah loo dhameystiro adeegyada ay u baahan yihiin sida in ay helaan raashin iyo dawo haddii ay u baahdaan.
Xeebaha Soomaaliya ayaa markii ay ka dilaaceen Kooxaha Burcad Badeedka waxay noqdeen kuwa ugu khatarsan Adduunka, waxaana intii u dhaxeysay bilihii April iyo June ee sanadkan ka dhacay 24 weerar oo lagu qaaday gaadiid ku safrayay Xeebaha Soomaaliya, waa sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Bad-mareennada.
Dhanka kalena, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa isna wuxuu ka hadlay Burcad Badeedka ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna walaac ka muujiyay sida ay u sii kordhayaan af-duubyada ay geystaan Kooxaha Burcad Badeedka ah.
Ould-Abdallah waxaa uu sheegay in sii kororka Kooxaha Burcad Badeedka ay dhibaato ku yihiin ganacsiga xorta ah iyo ku safarka Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna farta ku fiiqay in haddii aan wax laga qaban Burcad Badeedka Soomaaliya ay khatartooda ku sii fidi karto Dekedha Dalalka la deriska ah Soomaaliya.
“Waa in aan si dhaqsi ah u shaqeynaa inta aysan kordhin dembiyada ay geystaan kooxaha Burcad Badeedka, isla markaana aysan saameynin dalalka Soomaaliya la deriska ah”ayuu yiri Ahmedou Ould-Abdallah oo soo dhaweeyay qaraarkii uu ansixiyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, kaasi oo ku saabsanaa in Xeebaha Soomaaliya loo diro Ciidamo Caalami ah oo la dagaalama Burcad Badeedka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia