Shiikh Xasan Turki oo Cudur-daar ka bixiyay hadal uu sheegay Sarkaalka ugu sareeya Ciidamadiisa

Khamiis, September 25, 2008(HOL): Shiikh C/llaahi Xirsi (Shiikh Xasan Turki) oo shir jaraa’id qadka Taleefoonka ugu qabtay Idaacado ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa wuxuu cudur-daar ka bixiyay hadal uu  dhawaan sii daayay Sarkaalka ugu sareeya Ciidamadiisa.

Shiikh Maxamed Muxumed (Dul-yaddeyn) oo ah Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada Shiikh Xasan Turki ayaa isagoo ka hadlayay dagaal ay Xoogag la magac-baxay Dugsiga Raas-kambooni ku qaadeen Fariisin ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in uu burbur ku yimid Maxkamadaha Islaamka, isla markaana uu Shiikh Shariif doonayo in uu wax la qeybsado sida uu hadalka u yiri C/llaahi Yuusuf, qoladii kalena ay Asmara ku xirantay, sidaas darteedna ay dagaallada sii wadi doonaan iyagoo aanan ka tirsaneyn Maxkamadaha Islaamka.

Haddaba Shiikh Xasan Turki oo hadalkaas daba socday ayaa sheegay in hadalkaas uusan ahayn sida ay dad badan u fasireen, wuxuuna sheegay in Sarkaalka Ciidamadiisa u sareeya uu uga dan lahaa hadalkaas in dadkii Jihaadka ka leexday ay burbureen, hayeeshee aysan burburin Maxkamadaha Islaamka.

“Maxkamadaha Islaamka ma burburin awoddoodana waa ay jirtaa, marka waxaan leeyahay hadalka ma ahayn in ay Maxkamaduhu burbureen ee waxa burburay waa Dadka ka leexday Jihaadka iyo halganka dalka lagu xoreynayo”ayuu yiri Shiikh Xasan Turki oo carrabka ku dhuftay in sidaasoo ay tahay aanan hadana indhaha laga qabsan karin in labadii Shiikh ee Maxkamadaha ugu sareeyay ay kala qeybsameen, waa sida uu hadalka u yiriye.

Waxaa uu sheegay Shiikh Xasan Turki in kala qeybsanaanta ku timid hoggaankii Maxkamadaha Islaamka ay ka dambeyso Beesha Caalamka, “Afhganistan iyo Iraq lacag ayaa lagu burburiyay, Maxkamadaha Islaamka lacag ayaa lagu burburinayaa oo waxaa socota lacag Malaayiin ah oo la doonayo in lagu sii kala qeyb-qeybiyo Maxkamadaha Islaamka”ayuu yiri Shiikh Xasan Turki oo sheegay in Beesha Caalamka ay Mas’uuliyiintii Maxkamadaha ku tilmaantay kuwo qunyar ku socda iyo kuwo xowli ku socda, iyadoo buu yiri ay ujeedadu tahay in lagu kala qeybiyo.

Ugu dambeyntiina, waxaa uu sheegay Shiikh Xasan Turki in uu dhawaan gogol u dhigi doono Xoogagga ka dagaallama Soomaaliya, isla markaana uu mideyn doono, “waxay ahayd in aan gogoshaas mar hore dhigo, laakin waxaa na soo dhexgashay Arrintii Kismaayo oo hadda gebagebo ah, marka ay noo soo dhamaatana gogoshaas waan dhigi doonaa iyadoo loo fiirin doono meeshii ku haboon oo ammaan ah”ayuu yiri Shiikh Xasan Turki oo sheegay in dhinacyada uu gogosha u dhigayo ay kala yihiin Maxkamadaha Islaamka, Shabaab iyo Jabhul-Islaamiyah oo dhamaantood dagaal kala soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia