Khamiis, September 25, 2008(HOL): Saaka subaxnimadii ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxaa ka soo degay diyaarad siday Wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Diyaaraddaas oo si nabadgelyo ah ku soo degtay, si nabadgelyo ahna uga duushay Garoonka Diyaaradaha ayaaney jirin madaafiic lagu tuuray Garoonka Diyaaradaha markii ay soo degeysay.
Maalmo sii horeeyay ayaa labo diyaaradood oo ku soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxay sababeen in Garoonka la duqeeyo, kadibna Ciidamada Amisom ee Garoonka ku sugan ay iyaga madaafiic ku jawaabaan, taasi oo sababtay dhimashada dad 50 ruux ka badan iyo dhaawac 100 ruux kor u dhaafaya.
Dib ugu soo noqoshada Magaalada Muqdisho ee Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab uu soo saaray bayaan uu ku xirayo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo labo diyaaradood oo garoonka horay uga soo degtayna madaafiic lagu weeraray.
Haddaba Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo haatan ku sugan guriga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay ayaa saacadaha soo socda qabanaya shir jaraa’id oo uu uga hadlayo Wada hadalladii Jibouti iyo Xaaladihii ugu dambeeyay ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xirnaashaha garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia