Khamiis, September 25, 2008(HOL): Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay xalay weerar ku qaadeen afar goobood oo ku yaala magaalada Baydhabo, kuwaasi oo kala ahaa guryo ay degan yihiin Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo fariisin ay lahaayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka.
Abaara 3:30-kii habeennimo ee xaly ayaa Xoogagga Maxkamadaha waxay weerareen guri ay Magaalada Baydhabo ka degan yihiin Xildhibaan Maxamed Dhaqane Cilmi iyo Xildhibaan C/kariin Cali Afrax, waxaana halkaasi ka dhacday is-rasaaseyn socotay muddo saacad ah.
Xildhibaan Maxamed Dhaqane Cilmi oo ka hadlayay weerarka lagu soo qaaday ayaa wuxuu sheegay in ay kooxo hubeysan ku soo weerareen Qoryaha RPG-ga iyo BKM-ka, wuxuuna caddeeyay in ay iska caabiyeen, isla markaana aysan u suurtagelin kooxihii weerarka ku soo qaaday in ay dhibaato u geystaan.
“Xalay xili ay soo dhowdahaya Saxuurta ayaa waxaa weerar nagu soo qaaday aniga iyo Xildhibaan C/kariin Cali Afrax iyo Xildhibaan Cali Jeyte Cusmaan oo marti noo ahaa Kooxo hubeysan, waxayna ka war helnay Xabad Baasuuke ah oo ku soo dhacday ganjeelka gurigii aan ku jirnay, dabadeedna xabad ayaa nagu bilaabatay”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Dhaqane Cilmi oo sheegay in ay kooxihii soo weeraray oo todobaatameeyo dhamaa ay isaga difaaceen hub ay heysteen.
Sidoo kalena Xoogagga Maxkamadaha Islaamka waxaa ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin Isgoyska Xero Jaad iyo Suuqa Xoolaha ee Magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidamadii fariisimadaas joogay iyo xoogaggii weerarka ku qaaday.
Weerarkaas waxaa sheegtay in ay ka dambeeyeen Maxkamadaha Islaamka oo Afhayeenkooda Howlgallada C/raxiin Ciise Caddow uu sheegay in ay weerarro ku qaadeen afar goobood oo Baydhabo ku yaala, kuwaasi oo ay degan yihiin sida uu hadalka u yiri Ciidamada daba-dhilifka iyo Xildhibaano isku–sheegyo ka tirsan Dowladda riddada.
Isbitaalka Magaalada Baydhabo ayaa la geeyay dad badan oo dhaawacyo kala duwan qabay, kuwaasi oo ay waxyeello ka soo gaartay dagaalladii xalay ka dhacay magaalada Baydhabo, hayeeshee suurtagal ma noqon karin in dadkaas lagu booqdo Isbitaalka sabab la xiriirta ammaanka Isbitaalka oo aad loo adkeeyay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia