Maxaad u qaban kartaa labadan Ruux ee dhibaateysan?

Cabirka Farta

Talaado, 23, 9, 2008 (HOL) Bashiir Macalin Max'ed waa 12 jir qaba dhibaato Caafimaad darro waxaana qalalay inta badan xubnaha jirkiisa sida Qoorta, Laguha, iyo Gacmaha waxayna taasi ku keentay  in Bashiir uu awoodi waayo in uu iskii isu taago.
 
Macalin Max'ed oo ah Aabaha dhalay Bashiir ayaa sheegay in  Cudurka Wiilkiisa uu ka bilawday Lugta Bixdix isaga oo jira 7 Sano, waxaana uu intaa raaciyay in wixii waqtigaas ka danbeeyay Xanuunku uu ku faafahay qeybaha kale ee jiraka, ilaa markii danbe sida uu yiri Xanuunku uu ku faafahay qabaha kale ee jirka.
 
"Markii aan ku wareernay qaabka loo hayo Wiilka ayaa u geeyay Dr. Max'ed Jaamac oo ah dhatar ku taqasusay Cadurrada Neerfaha isaga oo jooga Magaalada Gaal-kacyo, waxaana uu soo qaray Daawo faro badan laakiin aan waxba ka badalin Xanuunka haya Wiilka” ayuu yiri Maclin Max'ed oo Duggsi Quraan ku haya mid ka mid ah Xaafadaha Magaalada Beledweyne.
 
Carabo Cumar Xasan oo ah Hooyada dhashay Bashiir oo inta badan gacanta ku heysa xanaanada Wiilkeeda ayaa u sheegtay HOL in mar kasta oo ay aragto dhibaatada heysta Wiilkeeda ay siweyn u damqato iyadoo xustay in aysan jirin wax ay u qaban karto.
 
''Alle ka sokow waxaa ka codsanayaa cid kasta oo gacan iga siin karta dhibaatada Caafimaad darro ee wiilkeyga in ay wax ila qabtaan si loo bad baadiyo Mustaqbalka danbe ee Nolashiisa” ayay hadalkeeda ku sii dartay.
 
Sidoo kale waxaa xusid mudan Canab oo ay walaalo yihiin Bashiir taasoo iyana uu la soo darsay xanuun aan wax badan ka duwaneyn kan Bashiir haya, waxaana walaalkeed Salaad uu HOL u sheegay in Carabo markeedii hore ay aheyd qof caafimaad qabta oo lugaheeda ku socta, laakiin waxaa uu yiri maanta iskaba daa in ay socto e' xitaa waxaa dareenkii ka tagay qeybaha danbe ee jirkeeda.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, dhamaan Jaaliyadaha dibadda, hay'adaha Samafalka, iyo waliba Muxsiniinta ka damqanaya dhibaatada heysata Walaalaha kala ah Bashiir iyo Canab oo lagala xiriiri karo Macallin Maxamed oo laga helo Tel:- 002521-5508512.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia