Maxkamadaha Islaamka oo cambaareeyay duqeyntii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Talaado, September 23, 2008(HOL): Midowga Maxkaamdaha Islaamka ayaa ka hadlay duqeyntii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee ay dadka badan ku dhinteen, waxayna cambaareeyeen dhinacyadii duqeyntaas ka dambeeyay.

Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay wax laga xumaado tahay in madaafiic lagu garaaco dad rayid ah oo aan waxba galabsan, wuxuuna xusay in falkii shalay lagu duqeeyay Suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa uu ahaa mid cadawnimo ah.

C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in mas’uuliyadda dadkii ku dhamaaday Suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa ay qaadayaan dhinacyadii Madaafiicda ku garaacay Suuqa, kuwaasi oo uu sheegay in aysan u tureynin dadka shacabka ah.

Dhanka kale C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu ka hadlay dagaal ay saaka Ciidamadooda ku qaadeen fariisimo ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ay saaka weerareen fariisimo ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Isgoyska Towfiiq, miisaanka dhuxusha , Carafaat iyo Mahad Alle, “halkaas waxaa ka dhacay dagaal saacad socday, waxaana ka dilnay Ciidamadii halkaas joogay 6 Askari”ayuu yiri C/axiin Ciise Caddow.

Goobaha ay saaka dagaallada ka dhaceen ee ka tirsan Wadada Warshadaha ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaallo dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia