Talaado, September 23, 2008(HOL): Dad badan oo ku noolaa xaafado ka tirsan Degmooyinka Howl-Wadaag, Hodan iyo Waaberi ayaa waxay bilaabeen in ay guryahooda ka barakacaan kadib markii ay xaafadahooda ku soo dhaceen madaafiic dhimasho iyo dhaawac geysatay.
Dadkani oo lagu arkayay gudaha Degmooyinkaas ayaa waxay badankood u barakceen duleedyada Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Deegaannada Ceelasha biyaha, Lafoole ilaa Afgooye.
Xaafadaha laga barakacay ayaa waxaa ka mid ah Tookiyada Howl_Wadaag, Xaafadda Shanta Geed ee isla Degmada Howl-wadaag, Suuqa Caanaha ee Bakaaraha, African Village ee Degmada Hodan iyo Siigaale ee Degmada Waaberi, waxaana qeybo ka mid ah xaafadahaas ku dhacay madaafiic ay ku dhinteen dad rayid ah oo guryahooda iska joogay.
Dadkani ka barakacay xaafadaha ka tirsan Degmooyinka Howl-wadaag, Hodan iyo Waaaberi ayaa waxay noqonayaan kuwii labaad oo Muqdisho ka barakaca, waxaana horay uga barakacay Magaalada Muqdisho dad badan, kuwaasi oo ay saameeyeen Dagaalladii Muqdisho ka dhacay bilihii Maarso iyo April ee sanadkii 2007.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia