Dowladda Spian oo Diyaarad Mileteri ku ilaalineysa Xeebaha Soomaaliya

Cabirka Farta

Khamiis, September 18, 2008(HOL): Dowladda Spain ayaa shaaca ka qaaday in ay Xeebaha Soomaaliya u soo direyso Diyaarad Mileteri oo la socon doonta dhaqdhaqaaqa Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Dowladda Spain Haweeneyda lagu magacaabo Carme Chacon ayaa sheegtay in ay Xeebaha Soomaaliya u direen Diyaarad Mileteri oo ay la socdaan 90 Askari, taasi oo ay howsheeda noqon doonto in ay la socoto dhaqdhaqaaqyada Kooxaha Burcad Badeedka ah.

Diyaaraddan oo magaceedu yahay P3-Orion ayaa Bad-weynta Hindiya waxay gaari doontaa dhamaadka todobaadkan, waxayna ku wargelin doontaa Maraakiinta Kalluumeysi kuwa Gargaarka Bani’aadannimo wada iyo Maraakiibta kale ee isaga kala goosha Xeebaha Soomaaliya dhaqdhaqaaqyada Kooxaha Burcad Badeedka.

Sida ay sheegtay Wasiiradda Gaashaandhigga Spain Carme Chacon Diyaaraddan iyo Ciidamada la socda ayaa waxay Xeebaha Soomaaliya ka howlgeli doonaan muddo 3 bilood ah laakin waxay ugu dambeynta ku joogi doonaan qaab howl-galeed Caalami ah.

Wasiiradda waxay intaas ku dartay in ay go’aankan qaateen lix maalmood kadib markii Doon laga lahaa Dalka Spain ay ka baxsatay Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah oo af-duuban lahaa, iyadoo ka sii horna ay Kooxahaas qabsadeen Doon laga lahaa Dalka Spain, taasi oo ugu dambeeyay laga sii daayay Burcad Badeedkii heystay.

Bishii April ee aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii Doon Kalluumeysi oo laga leeyahay Dalka Spain, isla markaana lagu magacaabo Playa de Bakio ay kooxo Burcad Badeed ah qabsadeen, inkastoo lix maalmood kadib Doontaas la sii daayay. Dowladda Spain ma aysan sheegin run iyo been waxa ay yihiin warar sheegaya in Doontaas lagu sii daayay lacag madax furasho ah oo ay Dowladda siisay Kooxihi Burcad Badeedka ahaa, taasi oo dhan 1.2 Milyan Dollar oo u dhiganta 770,000 oo Euro.

Ugu dambeyntiina, hadalka ay sii deysay Dowladda Spain ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwo ka tirsan Gobollada Nugaal iyo Mudug lagu heysto ku dhawaad 13 Markab oo uu ugu dambeeyay Markab laga leeyahay Dalka Greece, kaasi oo laga soo af-duubtay biyaha gacanka cadmeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia