Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo howlgallo ka sameeyay Xaafado ka tirsan Degmada Xamar-weyne

Cabirka Farta

Khamiis, September 18, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay howlgallo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Ciidamadan oo isugu jira Mileteri iyo Boolis ayaa waxay guri guri u baarayeen xaafado ka tirsan Degmada Xamar-weyne, waxaana lagu soo waramayaa in ay dhowr qofood kaxeysteen intii ay howlgalka wadeen, kuwaasi oo isugu jiray kuwo tuhun loo xiray iyo kuwo la sheegay in guryahooda laga helay hub duugoobay.

Howlgalka ay Ciidmada Dowladda ka sameeyeen Xaafadaha ka tirsan Degmada Xamarweyne ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii dadka, gaadiidka iyo ganacsiga Degmada Xamar-weyne, inkastoo ay dib u bilowdeen kadib markii ay Ciidamada howlgalka dhameysteen.

Degmada Xamarweyne oo ka mid ah Degmooyinka ay gacanta ku heyso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaanahan dadka ku dhaqan waxay ka cabanayeen falal dhac ah oo ay u geysanayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastab arrintu ha ahaatee, Howlgalka ay Ciidamada Dowladda Federaalka ka sameeyeen Xaafadaha Degmada Xamarweyne ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay weerar ku qaadeen Saldhigga Booliska Afar Irdood ee Degmada Xamarweyne, iyadoo halkaasina uu ka dhacay dagaal socday muddo saacad ah oo dhexmaray Ciidamadii Saldhiggaas joogay iyo Kooxihii soo weeraray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia