Khamiis, September 18, 2008(HOL): Xoogagga ka soo jorjeeda Siyaasada Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ayaa weeraray loo adeegsaday Baasuukayaal iyo Qoriga Hoobiyaha waxaa ay xalay ku qaadeen Xerada duleedka Bari Magaalada Beledweyne ee Jante-kuudisho.
Weerarka oo socday ku dhawaad 15 daqiiqo ayay sidoo kale Ciidamada Itoobiyaaku kaga jawaabeen hub culus oo ay ku ridayeen Buuraha ku teedsan Jante-kuundisho oo loo maleynayo in weerarka laga soo qaaday, ilaa hadana ma jiro wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay.
Dadka rayidka ah ee ku dhaqan Xaafada Nuur Xawaad oo si weyn ugu dhaw Xerada Jante-kuundisho ayaa markii uu weerarku bilawday qaarkood waxaa ay isaga carareen guryahooda iyagoo ka cabsi qaba wax yeello ka soo gaarta Madaafiicda laysku ridayo.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya weerarkaasi ay sheegteen dhaqdhaqaaqa Al-shabaab oo ka mid ah Xoogagga ku sugan qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan, kuwaas oo horay u sheegay in ay sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan Ciidamada Itoobiya inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.
Dhinaca kale Xoogagga Midowgga Maxkamadaha ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne ayaa sii daayay in ka badan 20 oo lagu soo qabtay iyaga oo cunaya Khaad xili lagu guda jiro Bisha Ramadaan, waxaana la sii daayay dadkan kadib markii la siiyay digniin la xiriirta in aysan dib danbe ugu laaban falalka ka dhanka ah Shareecada Islaamka.
Dadka ku dhaqan Magaalada ayaa siweyn u soo dhaweeyay howl-gallada lagula dirirayo dadka Masoomayaasha ah, kuwaas oo ka hor inta aysan la wareegin gacan ku heynta Magaalada Xoogagga Maxkamadaha si caadi ah loogu arkayay dariiqyada Magaalada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Madaafiic xalay lagu weeraray fariisinka Ciidaamada Itoobiya ee Jante-kuundisho
Cabirka Farta
More News
- Wada Hadalladii Jibouti uga socday Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo heer Xasaasi ah u gudbay
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo Dad Rayid ah ku dilay Baydhabo
- Dowladda Federaalka oo ku hanjabtay in ay Warqadaha Ruqsadda Shaqo kala noqon doonto Shirkadaha Diyaaradaha haddii ay Diyaaradahooda ka soo degi waayaan Garoonka Muqdisho
- Dowladda Spian oo Diyaarad Mileteri ku ilaalineysa Xeebaha Soomaaliya
- Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo howlgallo ka sameeyay Xaafado ka tirsan Degmada Xamar-weyne