Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay dilkii loo geystay Nabaddoon Dacar Xirsi Xooshow, Xirnaashaha Garoonak Diyaaradaha Muqdisho iyo Wada Hadallada Jibouti

Cabirka Farta

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka -Axmed C/salaan Xaaji Aadan
Arbaco, October 08, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka Warfaafinta Dhalinyarada iyo Isboortiga Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id uga hadlay dil shalay Beledweyne loogu geystay Nabaddoon Dacar Xirsi Xooshow, Xirnaashaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Duqeynta Suuqa Bakaaraha iyo Wada-hadallada Jibouti.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ayaa ugu horeyn ka hadlay dilkii nabaddoon Dacar Xirsi Xooshow, wuxuuna nasiib-darro ku tilmaamay in la dilo qof nabad iyo in dadka la gargaaro ka shaqeynayay, “Aad iyo aad ayaan uga xunnahay dilalka mar kasta loo geysto dadka bulshada u adeega. waxaa xaqiiqo ah, qof kastana uu garan kartaa in Nabaddoon Dacar Xirsi Xooshow la dilay isagoo bulshadiisa u adeygayay, waana ayaan darro in mar kasta ay dhacaan dilalka ceynkaas oo kale ah”ayuu yiri Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo tacsi u diray qoyskii uu nabaddoonka ka geeriyooday.
 
Waxaa  kale oo uu ka hadlay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka xirnaashaha garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo dhibaatada dadka shacabka ah ka soo gaartay, wuxuuna caddeeyay in ay jiraan dad xanuunsanayay oo ehelladooda qorsheysteen in dalka dibaddiisa lagu soo daweeyo, balse markii garoonka la xiray u geeriyooday xanuunnadii hayay.

Mar uu ka sii hadlayay madaafiic ay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ku tuuraan Garoonka Diyaaradaha, kadibna madaafiic jawaab ah lagu duqeeyo goobo ay dad rayid ah degan yihiin oo uu Suuqa Bakaaraha ka mid yahay ayaa wuxuu xusay in aysan duqeynta Goobaha Dadka Rayidka ahayn mid sax ah, wuxuuna caddeeyay in ay arrintaas kala hadleen saraakiisha Ciidamada duqeyntaas geysta.
 
Ugu dambeyntiina, Wasiirka Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Isboortiga, ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed C/salaan Xaaji Aadan waxaa uu ka hadlay Wada hadallada Jibouti uga socday Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, wuxuuna xusay in ay wada hadalladaas rajo wanaagsan leeyihiin.

Saxaafadda ayuu uga digay in ay warar rajo xumo ah dadka u soo gudbiyaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan waxba ka jirin warar ay Warbaahinta qaarkeed sheegtay oo ahaa in Wada hadalladii Jibouti lagu kala tegay, “Wada hadallada laguma kala tegin, balse waxyaabihii looga hadlayay ayaa farsamo ahaan loo baahday in uu dhinac kasta kula noqdo cidda ay wax kala dhaxeeyaan, rajadana waa fiican tahay”ayuu yiri Axmed C/salaan Xaaji Aadan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia