Arbaco, October 08, 2008(HOL): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu si guud ugu codeeyay qaraar ku saabsan in la qaado tallaabo caalami ah oo lagula dagaallamayo Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya, ciidamana loo diro.
Qaraarka uu u codeeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ku baaqayaa in ay Maraakiib iyo Diyaarado dagaal loo diro Soomaaliya, si ay ula dagaallamaan kooxaha Burcad Badeedka ah.
Qaraarkan oo ay horay u soo gudbisay Dowladda Faransiiska ayaa wuxuu si weyn walaac uga muujiyay weerarro ay kooxo burcad badeed ah ka geystaan Xeebaha Soomaaliya, iyadoo Dowladda Faransiiskana ay ku celisay cambaareyn ay u jeedineyso Kooxahaas Burcad Badeedka ah.
Sidoo kalena Qaraarkan ayaa wuxuu sheegayaa in Kooxaha Burcad Badeedka ay khatar daran ku yihiin Maraakiibta Gargaarka Bani’aadannimo u wada Soomaaliya, kuwaasi raashinka ay wadaan lagu quudiyo dad gaaraya 3.5 Milyan oo Soomaali ah.
“Haddii aan la helin Maraakiib galbisa Maraakiibta WFP u kireysan ee Gargaarka Bani’aadannimo geysa Soomaaliya waxaa khatar geli doonta nolosha dad badan oo Soomaaliyeed oo ku tiirsan Raashinka ay bixiso Hay’adda WFP”ayaa lagu xusay qaraarka uu isku raacay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon ayaa kulankaas kadib u sheegay Warfidiyeennada in seddex Milyan oo Soomaali ah ay khatar ugu jiraan macluul, wuxuuna taasi sabab uga dhigay iyadoo 90% ay dadkaas ku tiirsan yihiin raashin ay WFP ku keento Soomaaliya dhinaca Badda.
“Maraakiib dagaal oo ay leeyihiin Dowladaha Holland, France, Denmark iyo Canada ayaa in muddo ah si nabadgelyo ahu galbinayay Maraakiibta WFP, hadda waxaa dhamaanaya waqtigii ay Dowladda Canada ugu talagashay in ay maraakiibta WFP ilaaliso, wuxuuna waqtigaas ku egyahay 23-ka bishan, ilaa iyo haatan-na ma heyno Dal ku tabarucay in uu Canada kala wareego howlgalkaas”ayuu yiri Mr. Ban Ki-Moon oo sheegay in aysan Maraakiibta WFP u kireysan socon karin iyadoo aanan la ilaalineynin, “Caawintaas la’aanteedna dad badan ayaa baahi u dhiman doona”ayuuna hadalkiisa ku sii daray.
Ugu dambeyntiina, Qaraarka uu isku raacay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xeebaha Soomaaliya ay Kooxo Burcad Badeed ah ku heystaan Maraakiib dhowr ah oo uu ku jiro mid laga leeyahay Dalka Ukraine oo uu ku raran yahay Qalab Mileteri oo isugu jira Taangiyo iyo hub fudud.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia