Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo lagu Aasay Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta
Marxuum Dacar Xirsi Xooshow
Arbaco, October 08, 2008(HOL): Alle ha u naxariistee Nabaddoon Dacar Xirsi Xooshow oo maalintii shalay ahayd koox hubeysani ku dishay bartamaha Magaalada Beledweyne ayaan saaka lagu aasay Qabuuraha Xaafadda Buundo-weyn oo aan ka fogeyn hoyga Marxuumka.
 
Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay dadweyne ka kala yimid Afarta Xaafadood ee Magaaladu ka kooban tahay, Mas'uuliyiinta Hay'addaha Samafalka, Culimaa'udiin, Golaha Odayaasha Gobalka, iyo waliba qaar ka mid ah Duubabka Dhaqanka oo uu horkacayo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.
 
Shiikh C/llaahi Cali Barkhadle oo la hadlay dadkii isugu yimid aaska ayaa ku booriyay qof walba in laga doonayo Alle ka cabsi, waxaana uu sheegay in maalin maalmaha ka mid qof kasta sidan oo kale  Qabriga loo dhigi doono, waxaana uu marxuumka Allaah uga baryay in uu Jannadii ka waraabiyo.
 
Col. Cumar Xaanshi Aadan oo la hadlayay Warfidiyeenka gudaha ayaa ku sheegay falkii lagu dilay maalintii shalay ahayd Nabadoon Dacar in uu ahaa mid ka hor imaanaya Nabadda, waxaana uu intaas raaciyay in Nabadoon Dacar uu u dhintay Codkiisa oo uu ku doonayay in aan gargaarka laga joojin dadka dhibaateysan, isla markaana la halo Nabad lagu wada  noolaado.
 
Cumar Xaanshi waxaa uu  ku booriyay Mas'uuliyiinta Midowgga Maxkamadaha ee ku sugan Magaalada Beledweyne in baaritaan lagu sameeyo cida ka danbeysay dilka Marxuumka si ayuu yir sharciga loo horkeeno.
 
Laga oga tallaabada ay qaadi doonaan Mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga ah ee gacanta ku haya Gobalka Hiiraan, kuwaas oo maalintii shalay sheegay in aysan ka hari doonin kuwii geystay falka lagu dilay Nabadoonka oo ka mid ahaa Odayaasha sida weyn looga qadariyo Gobolka Hiiraan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia