Waa sidee Xaaladda Magaalada Beledweyne kadib dilkii maanta loogu geystay Guddoomiyihii Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan?

Cabirka Farta

Talaado, October 07, 2008(HOL): Xaaladda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa hadda degan kadib markii  maanta ay ka dhaceen rabshado kuwii ugu xumaa oo ka dhashay dil koox hubeysan u geysteen Guddoomiyihii Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan Marxuum Dacar Xirsi Xooshow.
 
Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga oo saacadihii ina dhaafay oo idil ku mashquulsanaa sidii ay u kala kaxeyn la haayeen dadweyne dhagax-tuur ku sameeynayay Xarumaha ay degan yihiin Ciidamada Midowgga Maxkamadaha ayaa amar ku bixiyay in la xiro dhamaan goobaha ganacsiga Magaalada si markaas ammaanka loo sugo, waxaase hadda muuqaneysa in mar kale dhaq dhaqaaqa ganacsigu dib u bilaabanayo.
 
Dadka maanta isku soo baxay ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah dilka Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow, waxaana marka dhinaca kale laga eego la oran karaa dilka maanta ka dhacay Magaalada  Beledweyne waxaa si weyn uga xumaaday Mas'uuliyiinta Midowga Maxkamadaha gacanta ku haya Gobalka Hiiraan kuwaas oo sheegay in uu ahaa dilkaas mid naxdin leh.
 
Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada  Midowgga Maxkamadaha Islaamka  ayaa u sheegay warfidiyeennada in falka lagu dilay Nabadoon Dacar uu ahaa mid laga xumaado, wuxuuna caddeeyay in loo saaray arintaas guddi sida uu sheegay uu madax u yahay Guddoomiyaha Midowgga Maxkamadaha ee Gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee , Alle ha u naxariisteen Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow ayaa bilihii ugu danbeeyay ku howlanaa wada hadalo uu la lahaa Saraakiisha Ciidamado Itoobiyaan ah oo fariisin ku lahaa duleedka Magaalada Beledweyne si looga fogaado dagaal ka dhaca gudaha Magaalada, isaga oo ugu dambeytiina maalintii shalay ahayd ka hadlay hajabaadyo loo diray Hay'addaha IMC iyo Care , kuwaasi oo ku saabsanaa in aysan ka howlgeli karin meelaha ay Xoogagga Islaamiyiinta ka taliyaan, wuxuuna marxuumka  ku tilmaamay hanjabaaddaas mid lagu cunaqabateynayo dadka ku dhibaateysan Gudaha Gobolka Hiiraan ee ay Hay’adahaas caawin jireen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia