Talaado, October 07, 2008(HOL): Deegaanka Buundo-madow oo ka tirsan Deegaanka Baar-gadiid ee Gobalka Hiiraan waxaa uu y ka mid yahay deegaannada ay ku nool yihiin Qoysas ku soo Xoolo beelay Abaaro ku dhuftay qeybo ka mid ah dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya kuwaasoo soo maciin-biday in ay ka helaan Gobalka Hiiraan nolal ka duwan tan ay uga soo carareen deegaannadii ay markii hore ku noolaayeen.
Hadaba Ururka Hormarinta Bulshada Hiiraan ( Hiran Comunty And Development ) ee fadhigiisu yahay Dalka Finland ayaa marka laga soo tago deeqda uu gaarsiiyay Bulshada ku dhibaateysan qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan, waxaa uu Deegaanka Buundo-madow u diray dhaqaatiir baaritaan ku sameysa Caruurta Qoysaska soo barakacay kuwaas oo baaritaankoodu ku ogaaday in ay la liitaan Nafaqa-darro isla markaana yihiin qaarkood kuwo ku jira xaalada halis ah, waxaana ay ugu danbeyntii dhaqaatiirtu warbixintooda gaarsiiyeen Hay'addaha ku shaqada leh xanaada Hooyada iyo Dhalaanka sida Unicef iyo dhamaan ururada ka shaqeeya Gobalka, iyaga oo balan qaaday in ay wax qaban doonaan.
Intaa kadib waxaa uu Ururka Hormatinta Bulshada Hiiraan uu gaarsiiyay Qoysaskii halkaas ku dhibaateysnaa oo gaaraya 150 Qoys deeq isugu jirta Timir iyo Bustayaal taasoo ay si weyn ugu farxeen dadkii la gaarsiiyay, sidoo kale waxaa uu Ururku Lacago Kaash ah u qeybiyay Qoysas kale oo iyaguna ku dhibaateysnaa gudaha Magaalada Beledweyne kuwaas oo gaarayay ilaa 150 Qoys, waxaana deeqdaas la soo mariyay Ururka Daljire Hiran Link oo bilihii ugu danbeeyay ku howlanaa sidii loo gar gaari lahaa dadka ku dhibaateysan gudaha Gobalka.
Kaalmada ay soo diraan Jaaliyadaha dibada ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dhamaan Bulshada Gobalka oo ay horkacayaan Odayaasha Dhaqanka, kuwaasoo sheegay in tallaabada ay qaadeen Jaaliyadahu yihiin kuwo ku dayasho mudan, iyaga oo ku baaqay in Bulshadu si wada jir ah wax uga qabato kaalmeynta dadka dhibaateysan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ururka Hormarinta Bulshada Hiiraan oo Deeq Lacageed gaarsiiyay Qoysas ku dhibaateysan Qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan
Cabirka Farta
More News
- Waa sidee Xaaladda Magaalada Beledweyne kadib dilkii maanta loogu geystay Guddoomiyihii Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan?
- WAR DEG DEG AH: Guddoomiyihii Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo daqiiqado ka hor lagu dilay Magaalada Beledweyne
- Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaarah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay war cad ka soo saarto waxa ay ka damacsan tahay Suuqa Bakaaraha
- Dowladda Holland oo markii labaad u direysa Xeebaha Soomaaliya Markab Dagaal oo galbiya Maraakiibta u kireysan Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP
- Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo Dad rayid ku dilay Xaafadda Buulo Xuubey ee Magaalada Muqdisho
- Magaalada Jeffreysbay ee Gobolka Eastern Cape ee Dalka Koofur Afrika oo lagu boobay Dukaamo ay Dad Soomaali ah lahaayeen
- Barakac ka socda Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa