Talaado, October 07, 2008(HOL): Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay war cad ka soo saaraan waxa ay ka damacsan yihiin Suuqa Bakaaraha oo muddo bil ku dhow ay duqeyn ku socoto.
“Dowladda iyo annaga waxaa noo dhaxeeyay heshiis ahaa in Suuqa uu yahay mid ammaan ah oo Ciidamo gaar ah leh, isla markaana aaney mar dambe dhinaca dowladda uga imaan doonin wax dhibaato ah”ayuu yiri Cali Dheere oo sheegay in ay aad ula yaabsan yihiin sababta mar kasta oo la weeraro fariisimada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom Madaafiicda loola beegsado Suuqa Bakaaraha, “Dowladda ha tiraahdo Suuqa yaan lagu kadsoomin waa la duqeynayaa mar kasta, sababtoo ah dad badan ayaa ku ganacsada oo dhibaatooyin ka soo gaaraan madaafiicda”ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Dheere.
Cali Dheere waxaa uu sheegay in shalay oo ugu dambeysay ay Suuqa ku geeriyoodeen dad 20 ruux ku dhow, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo iyagoo aan waxba galabsan madaafiic lala dhacay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay dareemayaan in duqeynta Suuqa Bakaaraha ay tahay mid ujeeddo gaar ah laga leeyahay.
“Dowladda hanoo caddeyso oo hana tiraahdo Suuqa waa xiran yahay lagumana gacansanayo, haddii kale war cad haka soo saarto oo ha sheegto in aan mar dambe Suuqa la duqeyn doonin”ayuu yiri Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) oo beeniyay warar sheegaya in gudaha Suuqa madaafiic looga tuuro Xarunta Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, taasina ay keento in mar kasta Suuqa la duqeeyo.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Suuqa Bakaaraha ayaa dhawaanahan wuxuu noqday mid lagu hoobiyo madaafiicda goobta kadib marka madaafiic lagu weeraro Xarunta Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana tan iyo intii ay duqeynta bilaabatay ku dhintay Suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa dad 100 ruux ka badan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia