Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sheegay in laga faafiyay war aan jirin, laguna baaqay in la bartilmaameedsado

Cabirka Farta

Axad, October 05, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in masjid ku yaala Suuqa Bakaaraha looga dhawaaqay in la bartilmaameedsado Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.

“Dadkaas ku dhawaaqay in nala bartilmaameedsado waxaan u arkeynaa kuwo ka soo horjeeda dhaqdhaqaaqyada xal-doonka ah ee aan wadno”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo sheegay in ay ka hadalka dhibaatada lagu hayo Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ku muteysteen dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira xarig iyo handadaad.

Axmed Diiriye waxaa uu intaas ku daray  in dadka ku dhawaaqay in la bartilmaameedsado Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ay sheegeen in ay Odayaasha Hawiye ka shaqeynayaan sidii ay u kala fur-furi lahaa Xoogagga Muqaawamada ah ee dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada shisheeye ee gacanta siinaya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan sal lahayn wararka laga faafiyay.

“Haddii ay arrinta noqoto in Odayaasha Hawiye loo dilo sidii loo dili jiray nin-doorka bulshada, hadde ha ogaado qofkii na bartilmaameedsada ee na dila in uusan naga dambeyn doonin”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.

Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in ay filayeen in la abaal-marin doono bacdamaa sida uu u yiri ay af iyo adin ku difaaceen dadka ku abtirsada Beelaha Hawiye, laakin ay aad ula yaabeen warka laga faafiyay ee ah in Muqaawamada kala fur-furayaan.

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wuxuu haatan ku howlan yahay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyin ka dhashay xirnaashaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, wuxuuna arrintaas u saaray guddi 27 xubnood ka kooban oo ka kala socda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia