Axad, October 05, 2008(HOL): Roobab dabeylo wata ayaa xalay waxay da’een deegaannada u dhaxeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, halkaas oo ay u barakaceen dad badan oo ka cararay dagaallada aan dhamaadka lahayn ee ka socda Magaalada Muqdisho.
Roobabkan ayaa waxay saameyn xooggan ku yeesheen dadkaasi, iyadoo la sheegayo in meelaha qaarkood ay burburiyeen guryo cooshado ka sameysan oo ay dadkaasi ku hoyanayeen.
Qaar ka mid ah dadkaasi oo aan kala xiriirnay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxay sheegeen in xaaladdooda nololeed oo awalba iska liidatay ay haatan sii adkaatay, welibana uu ku da’ayo roob xooggan.
Dad badan oo saaka isugu soo baxay Deegaannada ay dadkani u barakaceen oo isku xiran min KM13 ilaa Lafoole ayaa waxay ka codsadeen Hay’adaha Samafalka in ay gargaar deg deg ah la soo gaaraan, waxayna hay’adaha ku dhaliileen in aysan inta badan baaqyadooda waxba ka qaban.
Dadkani oo u badan kuwo Bulshada ugu nugul ee kala ah Caruur, Haween iyo Dad Waayeello ah ayaa wuxuu xalay roob ku da’ayay muddo 10 saacadood ka badan, waxayna dhab ahaan u baahan yihiin gargaar deg deg ah oo lala gaaro.
Inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dagaallada ka bilowdeen magaalada Muqdisho horaantii sanadkii 2007 waxaa ku sii barakacayay dad badan oo ka qaxay guryahoodii Muqdisho ku yaalay, ilaa iyo haatan ma jiro jawi ay dadkaasi guryahooda ugu soo noqon karaan waayo waxaa socda dagaalladii iyo nabadgelyo-darradii ay ka carareen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia