Nabadoonnada Puntland oo bayaan ka soo saaray Burcad Badeedda ku soo badanaya Xeebaha Puntland

Cabirka Farta

Axad, October 05, 2008(HOL): Nabaddoonnada  Puntland oo maanta kulan ku yeeshay Xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Boosaaso ayaa Bayaan rasmi ah ka soo saaray Burcad Badeedda ku soo badanaya Xeebaha Puntland.

Bayaankaan ay soo saareen Nabaddoonnada ayay ku sheegeen in dagaal aad u daran ay kula jiraan Burcadda Caadaysatay Af-duubyada ka dhacaya Xeebaha  Puntland, waxayna tilmaameen in arintaasi ay kala kaashan doonaan Saraakiisha Amniga Puntland.

Kulankan ay Maanta Nabaddoonnada wada qaateen  waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland sida Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah Cali Cabdi Awaare ,Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland, Guddoomiyaasha Gobollada Puntland iyo Mas’uuliyin kale oo aad u fara badan.
.
Nabaddoon Qaxiye Ciise oo ka mid ahaa Nabaddoonnadii Maanta Bayaanka soo saaray ayaa sheegay in  aysan nabaddoonnadu u dul qaadan doonin af-duubyada ka dhacaya xeebahooda , isla markaana ay wax ka qaban doonaan.

Bayaanka ay soo saareen Nabaddoonnada Puntland waxaa ka mid ahaa in lalal wareego dhamaan hantida ay burcadu madax furasho ahaan  u soo qaadato  iyo in lala dagaallamo dadka gacanta siinaya Burcad Badeeda Puntland.

Dhinaca kale kulankaasi oo maanta ka dhacay xarunta Gobolka eeMagaalada Boosaaso waxaa lagu soo hadal qaaday xiisadda labadaan Bari ka taagneyd Tuulada Laag oo ka tirsan Degmada Boosaaso, taasi oo ay ku dagaallameen labo beelood oo halkaasi wada dega.

Isku soo wada duuboo  Bayaanka ay nabaddoonnada soo saaraan ayaa ku soo beegmaya xili beryihi u danbaysay si aad ah loo dareemayay af-duubyo hor leh oo ka dhacay xeebaha ku-teedsan biyo badeedka Puntland

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso ,Somalia