Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sheegay in ay Ururka Al-Shabaab isku af-garteen in Hay’adaha Samafalka loo madax-bannaaneeyo howlahooda gargaarka

Cabirka Farta

Arbaco, October 22, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ay Ururka Al-Shabaab ka wada hadleen sidii dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya ay Hay’adaha samafalka gargaar u gaarsiin lahaayeen.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay isku af-garteen in ay Hay’adaha samafalka u madax bannaanaadaan howlaha ay ugu gargaarayaan.

“Waxaan isku af-garannay in Hay’adaha Samafalka ay sii wataan howlahooda samafalka ah, Xarakada Al-Shabaab-na waxay noo sheegeen in aysan jirin cid ay ka hor-istaageen in dadka dhibaateysan gargaar la gaarsiiyo”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab uu dhawaan Hay’adaha Samafalka uga digay in ay qabtaan wax ka baxsan howlaha samafalka ah, iyadoo xiligaasna uu shaqadii ka joojiyay labo Hay’adood oo kala ah IMC iyo Care oo uu ku eedeeyay in ay ku lug yeesheen arrimo ka baxsan samafalka.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay natiijada ka soo baxday Kulanka ay yeesheen Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, iyadoo dadka soo dhaweeyay hadalkan ay u badan yihiin dadka ku tiirsan gargaarka ay ka helaan Hay’adaha Samafalka iyo weliba Hay’adaha Samafalka qudhooda.

Dhanka kalena, Afhayeenka Dhaqanka  ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sii deyso Maareeyaha Marista Hawada ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Maxamed Axmed Siyaad, kaasi oo dhawaan ay xabsiga dhigeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka  waxaan ugu baaqeynaa in ay sii daayaan ninkaas inta uusan xarigiisa ka dhalan kacdoon aan hadhow la joojin karin dhibaatada ka timaada”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo sheegay in ay tahay wax aan horay loo arag in la xiro qof ka hadlay  caruurtiisa oo la dilay.

Ugu dambeyntiina, Maareeyaha Marista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Siyaad ayaa waxaa la xiray dhawaan  kadib markii uu Idaacadaha Muqdisho ka sheegay in Ciidamada Amisom oo toogtay wiil uu dhalay uu dacwad caalami ah ka furi doono, isla markaana uusan uga hari doonin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia