Arbaco, October 22, 2008(HOL): Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa saaka wuxuu ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka qaaday diyaarad gaar ah, taasi oo u qaaday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Faah-faahin rasmi ah lagama hayo socdaalka Madaxweynaha, hayeeshee waxaa jira warar sheegaya in uu Nairobi u tegayo sidii uu uga qeybgeli lahaa kulan todobaadka dambe dhexmari doona Madaxda IGAD iyo Xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in madaxweynaha uu ku hormari doono shir kale oo ka dhacaya Dalka Uganda, kaasi oo ay leeyihiin Madax Afrikaan ah.
Safarka madaxweynaha ayaa waxaa saaka hakad loo geliyay dhaqdhaqaaqii Dadka, Ganacsiga iyo Gaadiidka Wadada Makka Al-Mukarrama, inkastoo dib loo furay markii uu madaxweynaha ka gudbay Wadadaas oo dhowr jeer oo hore lagu weeraray.
Horay waxaa magaalada Nairobi ugu sii sugnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe iyo ku xigeennadiisa kala ah Prof. Dalxa iyo Cusmaan Cilmi Boqorre iyo weliba Xubno Xildhibaano ah oo aad u tiro badan.
28-ka iyo 29-ka bishan ayaa waxaa magaalada Nairobi ka dhici doona shir looga hadlayo xaaladda ammaan iyo siyaaso ee dalka Soomaaliya, iyadoo shirkaasina uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD.
Urur Goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin Dowladaha Itoobiya, Kenya, Uganda, Jibouti, Sudan, Eritrea iyo Somalia ayaa waxaa soo kala dhexgalay mad-madow, iyadoo Dowladda Eritrea ay horay u shaacisay in ay ka baxday Ururkaas, halka Dowladda Suudaan ay dhawaan eedo ka sheegatay Dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo ay ku eedeysay in ay ku hubeyneyso mucaaradka ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia