Arbaco, October 22, 2008(HOL): Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeya Cidiamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka horjeeda.
Dagaalka oo ka dhacay nawaaxiga Warshaddii Baastada,Warshaddii Xeyla Bariise iyo qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isbitaalkii Carafaad iyo Qabuuraha Barakaat ayaa wuxuu qarxay kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ay isku dayeen in ay howlgallo ka sameeyaan Xaafadaha Degmadaas, iyadoo kadibna ay weerar kala hor-yimaadeen Xoogagga ka soo horjeeda.
Dagaalkaas ayaa inta la xaqiijiyay waxaa uu sababay dhimashada 3 ruux iyo dhaawaca 4ruux oo kale, kuwaasi oo isugu jiray dhinacyadii dagaallamayay iyo dad rayid ah oo ay rasaasta ugu tagtay guryahooda.
Shalay ayay ahayd markii Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa uu ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo dagaalkaasina uu ahaa mid uu khasaarihiisa yaraa marka loo eego dagaallo duqeyn watay oo horay uga dhici jiray Degmadaas.
Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo dhexmara Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo xooggag ka soo horjeeda, waxayna taasi keentay in ay degmooyinkaas ka barakacaan dadkii ku noolaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia