Isniin, October 13, 2008(HOL): Dagaal fool ka fool ah oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka wuxuu ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Dagaalkan ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, wuxuuna dagaalkaas saameyn ku yeeshay isu socodkii dadka iyo gaadiidka Wadada Makka Al-Mukarrama, gaar ahaan qeybta ku aadan Degmada Hodan.
Goob-jooge ku sugan nawaaxiga Isgoyska KM4 ayaa wuxuu sheegay in dagaalka uu bilowday kadib markii Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada shisheeye ay weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa Isgoyska Taleex, iyadoo kadibna ay dagaalka ku soo biireen Ciidamada Amisom ee ku sugan Isgoyska KM4.
Lama soo sheegin ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalkii saaka ka dhacay nawaaxiga Isgoysyada KM4 iyo Taleex ee Degmada Hodan, inkastoo ay dhici karto in ay jiraan dad ay guryahooda ugu tageen madaafiic iyo rasaas dagaalka la isugu adeegsaday.
Dhowr jeer oo hore ayaa Isgoyska KM4 iyo nawaaxigiisa oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Amisom waxaa ka dhacay dagaallo xooggan, kuwaasi oo geystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed isugu jira, kuwaasi oo badankood soo gaaray dad rayid ah oo aan dagaalka wax lug ah ku lahayn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia