Horyaalka 25-aad ee kubada Koleyga oo Muqdisho looga diyaar garoobayo

Cabirka Farta

Isniin, October 13, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya waxaa si xoog badan uga soconaya u diyaar garowga horyaalka 25-aad ee kubadda Koleyga wiilal iyo gabdho kaas  oo bilaaban dooona maalinta Jimcaha ah ee ina soo aadan.

Dadka xiiseeya cayaarta Kubadda Koleyga ayaad arkeysaa  iyagoo is-weydiinaya su’aalo ku saabsan bilaabashada horyaalkan iyo kooxda loo saadaalinayo in ay koobka qaado, waxaana sheekada baararka ee dadka cayaaraha xiiseeya ay u badan tahay arrintan.

Inkastoo dalka Soomaaliya ay mudooyinkii ugu dambeeyay halakeeyeen dagaalo sokeeye oo lagu waayay nolosha boqolaal kun oo Soomaaliyeed dalkana saaray astaan ka gaar ah dunida inteeda kale ayaa hadana waxaa jirta in cayaaraha Soomaaliya ay sii soconayaan iyadoo kubada koleyguna hada ay tahay tan ugu dhaq dhaqaaq badan marka la bar bar dhigo cayaaraha kale ee laga dheelo dalka Soomaaliya.

Garoonka Kubada Koleyga 1-da July  ayaa waxaa uu yahay mid aan maalina faaruqin xitaa haddii aanay cayaaro socon, waxaana taasi ay muujienysaa in dadku ay qabatoomeen tegitaanka garoonkaas.

Guddoomiyaha kubada Koleyga Soomaaliya Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa maanta saxaafadda uga war bixiyay diyaargarwga loogu jiro horyaalka 25-aad iyo heerka ay kubbada koleyga Soomaaliya mareyso xiligan.

“Waad la socotaan in cayaarta Kubada Koleygu ay tahay tan hadda loogu jecel yahay Soomaaliya, taasna waxaan marka hore uga mahadcelineynaa Allaah, waxaana mahadda labaad iska leh cayaartoyda, kooxaha, macalimiinta iyo garsoorka  oo isku xirnaan iyo wada shaqeyn dhab ah u muujiyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada koleyga”ayuu yiri guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

Wiish waxaa  uu shirkiisa jaraa’id uu uga warbixiyay horumarka uu xiriirku gaaray 18-kii sanadood ee la soo dhaafay, waxaana uu sheegay inkastoo uu dagaallada iyo rabshadaha la wadaagayay dalka  oo dhan hadana in uu xiriirku ku tallaabsaday horumar weyn oo la taaban karo.

“Ma jirto cid si toos ah xiriirka dhaqaale u siisa gudaha iyo dibadaba, habdana is xilqaanka iyo wada shaqeynta xiriirka iyo lugaha uu ku taaganyahay oo ah kooxaha, cayaartoyda, garsoorka iyo macalimiinta ayaa sabab u ah horumarka weyn ee la gaaray”ayuu mar kale yiri guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada koleyga Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

Xiriirku wuxuu ka qeybgalaa tartamada dibadda gaar ahaan Carabta iyo Afrika, iyadoo xiriirku uu si buuxda uga qeybgalay shirar iyo seminaro muhiim u ahaa horumarinta Kubada Koleyga Soomalaiyeed waa sida uu guddoomiyuhu sheegay.

“Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga waxaa hoos-yimaada Naadiyo iyo Kooxo si joogta ah uga qeyb gala tartamada aan soo sheegay, sida la ogsoonyahay waxay naadiyadan wax ku wadaan habka loo yaqaan “iskaa-wax-u-qabso”, macalimiinta iyo ciyaartooydana waxay u howgalaan si tabarucaad ah, taas ayaana keentay in naadiyada iyo kooxaha hoos yimaada xiriirka sii bataan sanadba sanadka ka dambeeya,waxaana Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga, garsoorayaasha, madaxda naadiyada, kooxaha iyo tababarayaashaba ka dhexeeya wada shaqeyn iyo wada tashi” ayuu yiri Mudane wish mar kale.

Xiriirka Soomaaliyeed ee K/koleyga ayuu sheegay masuuliyiinta ka tirsan qaarkood in ay  joogaan dalka dabadiisa sida: UK iyo Finland .wuxuuna gudoomiyaha xirrirka soomaaliyeed ee kubada koleyga mahad celin balaaran u soo jeediyay, dadkii gacanta lama iloobaanka ah ka geystay haddii ay noqon laheyd mid maaliyadeed, mid talo, mid farsamo, qalab iyo mid warfaafineedba  musuuliyiin ka tirsan xiriirka, Hay’ado iyo shaqsiyaad ku takhasusay ciyaarta kubbadda koleyga, waxayna kala yihiin:

Inj. Baana Cabdala  Ali oo ah oo ah Gudoomiye ku xigeenka Xiriirka K/Koleyga dhinaca horumarinta deganna London , Cabdul Caziz Godax Barre oo guddoomiye ku xigeenka farsamada, Cumar Anyeelo oo ah tababaraha xulka Qaranka wiilasha K/kloeyga  Dr. Cali Cusman Cali oo mar xiriirka ka soo noqday xoghaye, isla markaana noqday xoghayaha Guddiga Olymbikada Soomaliyeed, iyo Axmed Daahir Axmed oo ka mid ahaa xulkii Qaranka Wiilasha K/Koleyga ee Soomaaliya, ahaana ugu baaqeynaa dadka kale ee ku abtirsada ciyaarta K/Koleyga fursadana u helay inay ku noolaadaan wadanka dibadiisa  in ay wax u taraan habsami u socodka tartamada joogtada ah ee ka dhacaya  dalka gudihiisa sida saaxibada aan kor ku soo xusnay.

Ugu dambeyntii Mr. Wiish wuxuu sidoo kaloo mahad celin u soo jeediyay qeybaha war baahineed oo ay ka mid yihiin AIPS media.com, playthegame.org, somalisc.com, Hiiraan.com, Dayniile.com kubadda.com,ceelbuurnet.com, Somaliweyn.com, Calayaale.com iyo  Somalitalk.com

Hiiraan Online News Desk