Isniin, October 13, 2008(HOL): Jaaliyadda Hiiraan ee Switzarland ayaa qoraal ay soo gaarsiiyeen HOL waxaa ay si kulul ugu canbaareeyeen dalkii foosha xumaa ee 7-bishan aynu ku jirno kooxo hubeysan u geysteen Alle ha u naxaariisteen Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Odayaasha Gobalka Hiiraan.
Jaaliyadda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in dilka Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow uu xanbaarsan yahay ujeedo ka duwan sida dad badani u heysto'' Falka lagu toogtay Nabadoon Dacar waa mid muujinaya dagaalka lagula jiro dadka Bulshada Idhaha u ah” ayaa lagu yiri qoraalka oo sidoo kale lagu sheegay in ay jiraan kooxo sida hadalka loo dhigay diidan daha reer Hiiraan isla markaana iyagu ka danbeeya dilalka iyo falalka lagu u gaarsanayo dadka hogaanku u ah shacabka.
Eng. C/casiis Axmed iyo Nabadoon Axmed Shuuriye Yuusuf (Duuliye Sare) oo ku saxiiixnaa Qoraalka la soo gaarsiiyay HOL ayaa ku wargaliyay Golaha Odayaasha Dhaqanka ee uu ka tagay Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow in aysan baneynin kaalintii uu hayay Nabadoonka, " Runtii waa in la sii wadaa halgankii ku dhisnaa samata bixinta Bulshada reer Hiiraan ee Nabadoon Dacar”ayaa lagu yiri qoraalka ay ku saxiixnaayeen Aqoonyahannadaas oo ka codsaday Mas'uuliyiinta Maxkamadaha gacanta ku haya Gobalka Hiiraan gaar ahaan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow in uu dabagal ku sameeyo dadkii ka danbeeyay dalkaasi.
Dhinaca kale Jaaliyadda Hiiraan ee Switzarland ayaa ugu deeqday Qoyskii uu ka baxay Nabadoonka lacag dhan ilaa ($ 1700 Doollar), waxayna Allaah ugu baryeen Nabadoonka iyo uu Janadii ka waraabiyo.
Sidoo kale dilkii maalmo ka hor loo geystay Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow ayaa waxaa Canbaareeyay Ururadda Xuquuqda Aadanaha ee ka howl-gala Gobalka HIiraan kuwaas oo sheegay in falkaasi ahaa mid xad-gudub ku ah Diinta Islaamka, Shuruucda Caalamiga ah ee la isla aqoonsan yahay ah iyo waliba Dhaqanka Soomaalida, waxaana ay codsadeen in baaritaan dhab ah lagu sameeyo qaabkii uu dalkaasi u dhacay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Jaaliyadda Hiiraan ee Switzerland oo cambaareysay Dadkii ka dambeeyay dilkii Nabadoon Dacar Xirsi Cooshow
Cabirka Farta
More News
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray Duleedka Berdaale
- Dagaallo ka dhacay Degmooyinka Huriwaa iyo Hodan ee Magaalada Muqdisho
- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sii qul-qulaya magaalada Nairobi
- Dagaal saaka ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan oo ku dhow Isgoyska KM4
- Maamulka Degmada Yaaqshiid oo sheegay in Ciidamo ka tirsan Dowladda ay dhac ka geysteen Xaafado ka tirsan Degmadaas
- Horyaalka 25-aad ee kubada Koleyga oo Muqdisho looga diyaar garoobayo