
Axad, October 12, 2008(HOL): Muraayo Nuur Cali iyo Binti Jeylaani oo iyagoo xanuunsanayay laga waday Dalka Soomaaliya, isla markaana la geeyay Dalka Mareykanka si xanuuno hayay looga daweeyo ayaa lagu soo waramayaa in xaaladdooda caafimaad ay wanaagsan tahay, ayna nolol cusub uga bilaabatay Dalka Mareykanka.
Muraayo Nuur Cali oo hadda dhowr iyo toban jir ah waxaa iyadoo 6 sano jir ah kufsi fool xun u geystay nin ku sasabtay lacag duuduuban oo uu gacanta ku heystay xili ay reerkeeda dukaan wax uga soo iibineysay, kaasi oo si qasab ah u xoogay, kadibna isu faruuray.
Binti Jeylaani iyaduna waxay hayay markii Mareykanka la geynayay xanuun ka dhashay Buro afka kaga soo baxday oo aad u weyneyd, taasi oo Dhaqaatiirta ku sugan Dalka Soomaaliya ay sheegeen in aan gudaha Dalka Soomaaliya waxba looga qaban karin.
Haddaba waxaa la is-weydiin karaa labadaas gabdhood ee dhibaatada caafimaad darro qabay yaa geeyay Mareykanka, sideese ku heleen daweyntaas. Dadaalkaas waxaa sameeyay oo isu xil-qaamay Cabdi Muuse Maaxaay oo ka mid ah Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Mareykanka
Haddaba si aan wax uga ogaano xaaladda labadaas gabdhood waxaan wareysi la yeelannay Cabdi Muuse Maaxaay oo ku sugan Magaalada Rochester ee Dalka Mareykanka, wareysigii aan la yeelanayna waxaa uu u dhacay qaabkan:
HOL: Waxaad ka warantaa xaaladda Muraayo Nuur Cali kadib markii xanuunnadii hayay looga daweeyay Dalka Mareykanka?.
MAAXAAY: Muraayo oo Runtii ahayd Gabadhii ugu horeysay ee aan halkan keennay xaaladdeeda waa ay wanaagsan tahay, caafimaadkeedana meel wanaagsan ayuu marayaa, waxay dhigataa Fasalka 6aad, iyada iyo Aabaheed halkan ayay ku nool leeyihiin, sharcina waa la siiyay.
HOL: Muraayo markii halkan (Somalia) laga wadayay waxay qabtay shock kadib markii uu dhibaato u geystay nin aan damiir lahayn oo ku kufsaday Magaalada Muqdisho, hadde sidee tahay niyaddeeda?.
MAAXAAY: Alxamdulillaah, Muraayo moral-keeda aad ayuu u dhisan yahay, maalinba maalinta ka dambeysa wuu isa sii bedelayaa, dadka wey salaameysaa, ragga wey salaameysaa, caafimaadkeedana waa heer sare, saxarada oo aysan koontarooli karin shalay maanta waa ay koontarooleysaa, kaadida oo aysan shalay koontarooli karin maanta wey koontarooli kartaa, waa la daweeyay, mustaqbalkeedana waa fiican yahay, waxaan rajeyneynaa in haddii ay guursato mustaqbalka uu Alle Ubad siin doono.
HOL: Maaxaay, waxaa ka warantaa gabar kale oo waxaa jirtay la yiraahdo Binti Jeylaani, taasi oo iyadana Afka Buro weyn kaga taalay, taasi oo intii aan la geynin Mareykanka sawirradeeda lagu baahiyay Website-yada, xaaladda Gabadhaas ka waran?
MAAXAAY: Binti Jeylaani, waxa lagu sameeyay qalliin socday 19 saacadood. Dhaqaatiirtii qalliinka ku sameysay waxay ka bixiyeen garka hoose oo dhan, waxay fiiqeen maqaarkeeda si ay qalliinka kadib ugu celiyaan garka, Burada waa laga qalay, garka waa loo soo dhisay, waxaa loo sameynayaa ilkihii hoose, kuweeda sare waa u fiican yihiin, Alxamdulillaah xaaladda Binti waa ay fiican tahay waxayna dhigataa Dugsiga sare, Aabaheed wuxuu yiri waxaan rabaa in aan joogo meel aan dhaqankii iyo dadkii ka maqlayo, marka Soomaaliya ayuu ku laabtay.
HALKAN KA DHEGEYSO WAREYSIGA-By: Salaad Xiis
HOL: Cabdi Muuse adiga oo aad u mahadsan waxaa la is-weydiin karaa yaa kugu gacan siiyay in aad Dadkaas geyso Mareykanka sababtoo ah waxaa la ogyahay in qofka marka la geynayo Wadan kale uu u baahanayo sharci iyo xitaa in laga dhaadhiciyo Dowladaha dalalka la geynayo?.
MAAXAAY: Runtii waa su’aal aad u muhiim ah, ugu horeyn waxaa ii sahlay Allaah SWT, marka labaadna Soomaalida ku dhaqan Mareykanka, gaar ahaan Gobolka Minnesota, dadka ma fahamsana mana dareemi karaan waxay u heystaan in NGO lacag kugu siiyo oo aad lacag ku qaadato howsha tabarucaadda ah ee aad sameyneysid, laakin ma jiro Urur ama cid lacag kugu siineyso in aad Canug Soomaaliyeed aad Mareykanka geyso. Arrintan waxay ku dhacday qadar Alle iyo Dadka Soomaaliyeed ee Magaaladan ku dhaqan oo arrintaas iga caawiyay.
HOL: Ma jiraan Dad gaar ah oo arrintan kugu gacan-siiyay oo aad halkan ka sheegeyso?.
MAAXAAY: Waxaan si weyn ugu mahad-celinaa gabar la yiraahdo Caa’isha iyo Gabar la yiraahdo Caabiya oo ku howlanaan jiray mar kasta in ay Sawirrada Caruurtan qaadaan Masaajidyada iyo meelaha ay Soomaalida isugu yimaadaan, kadibna dadka ka codsan jiray in la caawiyo Caruurta dhibaateysan, sidaas ayaan lacagta Tikidh-ka ku soo uruurin jirnay. Runtii aad iyo aad ayay u adag tahay in aad tiraahdo wiil ama gabar Soomaaliyeed oo Afrika jooga oo xanuunsanaya ayaan rabaa in aan halkan keeno, dadkaa ku wada fiirinaya waxay ku leeyihiin kuwii sharciga lahaa ee halkan joogay ayaan wax u la’ nahay markaas ayaa dad kale noo keeneysaa.
HOL: Waxaad ka warantaa Xaaladda Canug yar oo xanuunsanaya oo aad Kismaayo ka soo qaadeen dhawaan, sideese rajada laga qabo in wax laga qabto xanuunka haya?
MAAXAAY: Wiilkan wuxuu jiraa 22 bilood, waxaan ka soo kaxeynay Kismaayo, waxaa la socota Hooyadiis, waxay soo galeen Bishii 9aad ee aynu ka soo gudubnay, rajadiisa wuxuu marayaa baaris caafimaad, wuxuu qabaa xanuun dhinaca kaadi-mareenka, wuxuuna ka kaadinayaa meel xudunta korkeeda, wuxuu u baahan yahay qalliinno badan, howshiisa aad iyo aad u dheeraaneysaa, ilaa 12 sano ee soo socota waxaa filaa in la qali doono.
HOL: Ok, Howlaha aad qabato iyo samafalka aad dadka u sameyneysid mararka qaarkood dad badanaa waxay la is-weydiin karaa Cabdi Muuse ma wuxuu qabtaa howshaa samafalka ah kaliya, mise shaqo kale oo taqasus ah ayuu leeyahay?.
MAAXAAY: Een… Wallaahi su’aal aad u muhiimsan waaye, marka hore shaqadan waa mid aan si Alle dartiis ah aan u qabto, waxaa ii dheer shaqadeyda gaarka ah, tan waxay ii tahay mid aan ku tabaruco dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, marka aad isku daydo oo aad bilawdana ma ahan mid aad joojin karto waayo waxay leedahay damqasho, damiir, ajirna wey leedahay.
HOL: Yaa kugu dhaliyay markii ugu horeysay in aad wax u qabato Dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan ee aan dalka gudahiisa wax loogu qaban karin?.
MAAXAAY: Waxay ahayd 2004 markii ugu horeysay oo aan isku dayay in aan wax ka qabto dhibaatooyinka caafimaad darro ee heysta dadka Soomaaliyeed, waxaan isku dayay in aan soo qaado gabar Soomaaliyeed oo Buro Wejiga kaga taalay, laakin intii aan arrinteeda ku jiray ayay geeriyootay, qofkii labaad oo aan soo qaadayna waxay noqotay Muraayo, kadibna Binti. Qofka mar kasta i dhiirigeliyo ee i yiraahdo horay u soco arrintan wax waa ka qaban kartaa waa Xaaskeyga Kheyr iyo Wanaag Alle haka siiyee, sidoo kale Soomaalida ku dhaqan Magaalada Rochester ee Gobolka Minnesota iyana wey i caawiyeen, waana u mahadcelinayaa. Intii aanan ka bixin waxaan rabaa in aan idiin mahadceliyo Bahdiina Hiiraan Online iyo Dallada Haweenka COGWO oo iyaguna si weyn iigu gacan siiyay in aad soo qaado dadkan dhibaateysnaa, Umadda Soomaaliyeedna waxaan Allaah uga baryayaa in uu dhibaatada ka dul-qaado.






NB: Hadiii aad doonaysid inaad ka qayb qaadatid caawinada caruurta Somaliyeed fadlan la xariir Abdi. Hadii aad joogtid USA Waxii aad donation ku samaysid waa Tax deductions
waxayna kuu soo noqonaysaa marka aad tax buuxinaysid.
Abdi Muuse Maahaay.
P. O BOX 8383
Rochester MN 55903
ama [email protected]
Warar la xiriira:
Kaalintii HOL ee soo bandhigidda Dhibaatada Muraayo-HOL
Muraayo oo heshay Daweyn dibadda ah-HOL
Related News:
A Mogadishu Rape Victim finds hope in Minnesota-HOL
Who is Abdi Muse Maahaay-PIONEER PRESS
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia