
Axad, October 12, 2008(HOL): Dooxa Dacar-budhuq ee Jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera ayaa habeen hore qaaday ilaa saddex Gaadhi oo kala duwan, kadib markii Daadad wayn oo ka dhashay Roobab ka da'ayay xalay ilaa habeen hore Deegaano kala duwan ay ka soo rogmadeen halkaas.
Gaadiidkan oo qaar ka mid ah iyo hantidii saarnaydba uu daadku la tegay, balse dadkii saarnaa laga daad-gureeyay iyagoo bed qaba, isla markaana xannibay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Hoggaanka sare ee Axsaabta Mucaaradka ah.
Baabuurta uu daadku qaaday oo isugu jiray Gaadhi SURF ah oo Dawladdu leedahay, Gaadhi wayn oo kuwa Xammuulka qaada ah iyo mid Landcruiser ah. ma jirin khasaare Dadka soo gaaray, hase yeeshee, waxaa burburay qaar ka mid ah Baabuurtan, iyadoo Gaadhiga wayn oo ahaa nooca Waaraadka loo yaqaano, isla markaana siday Raashin uu Daadku qaaday isaga iyo Raashinkii saarnaaba, halka Gaadhiga Landcruiser-ka ah laga daad gureeyay Dadkii sarnaa oo ka koobnaa Afar haween ah, Wiil yar iyo Darawalkii.
Dhinaca kale, Daadka rogmanayay ayaa xannibay Dad aad u tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Mas’uuliyiin ka socday Dawladda iyo Hoggaanka sare ee Xisbiyada Mucaaradka.
Masuuliyiinta uu daadku xannibay oo waqtiyo kala duwan ka gudbay Dooxa, ayaa waxa ka mid ahaa Guddoomiyayaasha Axsaabta Mucaaradka ah ee Kulmiye iyo UCID, Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye-xigeenka 2aad ee Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirada, Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed, Caafimaadka Cabdi Haybe Cilmi, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale. kuwaas oo ka soo laabtay Aaska Guddoomiyihii Hay'adda Bisha Cas ee Somaliland Marxuum Eng. Cali-Jirde oo aaskiisa ka dhacay Magaalada Sheekh.
Ma ahan markii u horreysay ee Dooxan iyo kuwa la mid ah ee Deegaanada Abdaal iyo Aw-Barkhadle ay sidan oo kale u qaadaan Gaadiid, isla markaana hakad u geliyaan isu-socodka Magaalada Hargeysa iyo Magaalooyinka bariga dalka, Hase ahaatee, waa mid dhacda waqti kasta oo roob ka da'o Deegaanadan iyo kuwa Galbeedka dalkaba, iyaga oo Gaadiidleyda isaga goosha Gobolllada Bariga iyo Galbeedka Dalku ay cabasho ka muujiyeen dhibaato Naf iyo Maalba leh oo mararka qaarkood ay kala kulmaan Daadadka ka soo rogmada Dooxyadan.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland