Axad, October 12, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa xalay waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xoogagga Al-Shabaab.
Dagaalka oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu ka dhacay Isgoysada Florenza iyo Sayidka oo ka kala tirsan Degmooyinka Wardhiigley iyo Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir iyo nawaaxiga Xarunta Villa Somalia.
Xoogagga Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay qaadeen ay Askar badan kaga dileen Ciidamada Dowladda, waxayna intaas ku dareen in ay fariisimada qaarkood ay gacan ku heyntooda la wareegeen.
Ma jiro ilaa iyo hataan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan guusha uu Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ka sheegtay dagaalkii xalay iyo weliba in ciidamadooda laga qabsaday fariisimo ay ku sugnaayeen.
Intii uu socday dagaalkii xalay ayaa waxay madaafiic u muuqday kuwo habow ah ku dhaceen Xaafadda Shanta Geed ee Degmada Boondheere, wuxuuna mid ka mid ah madaafiicdaas dhaawac u geystay labo canug oo ka tirsan qoys xaafaddaas ku nool.
Dagaallada habeenkii ka dhaca Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay dhibaatada ugu badan ka soo gaarta dadka rayidka ah, kuwaasi oo ay guryahooda ugu galaan madaafiicda iyo rasaasta ay isku ridayaan dhinacyada dagaallamaya, waxaana dhacda in dadka ku dhaawacma dagaallada habeenkii loo qaadi waayo Isbitaallada sabab la xiriirta socodka habeenkii oo xun, kadibna iyagoo dhiig-baxay subaxdii Isbitaallada la geeyo, xiligaas ay dhaaqtiirta dhibaato ka mutaan in ay wax ka qabtaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia