Sabti, November 08, 2008(HOL): Dalladda Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ayaa maanta waxay soo saartay baaq ay ku dalbaneyso in la sii daayo samafalayaal Ajnabi ah oo dabayaaqadii todobaadkii hore laga af-duubtay Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud.
Afhayeenka Dallada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Shiikh C/qaadir Soomow oo shir jaraa’id qabtay ayaa wuxuu sheegay in ay si weyn uga xun yihiin af-duubka loo geystay shaqaalahaas oo Soomaaliya u yimid in ay u gargaaraan Dadka Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in aysan af-duub mudneyn dad samafal u yimid.
“Caqliga bani’aadamka ayay ka weyn tahay in gacan Gargaar Bani’aadannimo lagu codsado, gacanna lagu af-duubto Dadka Samafalka u yimaada, sidaas darteed waxaan ku baaqeynaa in la sii daayo samafalayaasha lagu qafaashay gobollada dhexe”ayuu yiri Shiikh C/qaadir Soomow.
Shiikh Soomow waxaa uu sheegay in ay ku baaqayaan in si shuruud la’aan ah loo sii daayo shaqaalahaas, wuxuuna dadka heysta ugu baaqay in ay fiiriyaan howsha ay u hayeen dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan deegaannada ay ka qabsadeen.
Dabayaaqadii todobaadkii hore ayay ahayd markii Garoonka Diyaaradaha Dhuusa-mareeb laga qafaashay 4 samafale iyo duuliye oo u kaxeynayay diyaarad u kireysneyd, kuwaasi oo dhamaantood ajnabi ahaa.
Samafalayaashan af-duubka lagu heysto ayaa afar ka mid ah oo Yurub u dhashay waxay u kala dhasheen dalalka Belgium, Poland iyo France, halka labada kale oo Kenya u dhalatayna ay duuliyayaal ahaayeen.
Dhanka kalena, Shiikh C/qaadir Soomow waxaa uu sheegay in ay cambaareynayaan duqeyn ay shalay Ciidamada Itoobiya ka geysteen Suuqa Bakaaraha, wuxuuna sheegay in ay Itoobiyaanka ugu baaqayaan in ay xasuuqa ka daayaan Shacabka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina waxaa uu sheegay Afhayeenka Dallada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-jamaaca in ay soo dhaweynayaan heshiiskii ay dhawaan ku gaareen Dalka Jibouti dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dibu xoreynta, wxuuuna sheegay in ay ugu baaqayaan dhinacyada heshiiska gaaray in ay meel-mariyaan qodobadii ay ku heshiiyeen, sidoo kalena ay heshiiska ugu baaqaan dhinacyada kale ee aan heshiiska ka qeybgelin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia