Koleej Waxbarasho iyo Hoy leh oo laga furay magaalada Qardho

Cabirka Farta

Sabti, November 08, 2008(HOL): Waxaa Magaalada Qardho laga yagleelay Koleej Cusub oo loogu talagalay in lagu Xareeyo Caruurta yar yar ee magaaladaas, kuwaas oo aan horay loogu sameynin goob waxbarasho oo ceynkan oo kale ah.

Koleejkan waxaa loo dhamaystiray dhamaanba agabyadii loogu talagalay, waxaana uu ka kooban yahay dhowr qaybood oo kala ah.

1:Qaybta Waxbarashada (ilaa Dugsi Hoose Dhexe iyo Dugsi Quraan oo lagu barayo Caruurta Xifdinta Quraanka Kariimka ah.

2: Qaybta Cuntada oo Kaamilan(dhamaystiran)

3: Qaybta Jiifka ama Hurdada oo iyadana loo dhamaystiray dhamaanba agabka hurdada ee Caruurtu u baahantahay sida ku cad sawirada.

4:Waxaa sidoo kale ku dhexyaala gudaha kuleejka oo laga dhisay Masjid lagu cibaadeysto.

Tallaabadan ayaa ah runtii mid horumar la taaban karo u ah deegaannada Maamul Goboleedka Puntland taasi oo yididiilo u noqon karta Muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Reer Puntland ee qurba joogta ah iyo kuwa dalka jooga intaba, waxaana Qurba joogta Soomaaliyeed ay Ubadkooda Dhaqanka, Diinta, iyo Deegaankaba ku bari karaan iyagoo kuleejkan ku Xareeya halka ay dhacdo in marar badan ubad badan oo Qurbaha laga keenay oo lala soo miciin biday dalkooda in ay dhacdo in ay kusii halaabaan taasi oo ay sababto iyadoo aanay jirin kuleejyo Noocaan oo kale ah oo dalka ka jiray gaar ahaan Puntland.

Kuleejkan oo ah mid si heer sare ah loo qalabeeyey ayaa ah Kuleejadii ugu horaysay ee noociisa oo kale ah oo laga hirgeliyo deegaannada Maamul Goboleedka Puntland waxaana loogu talo galay ardayda da’doodu u dhexeeyso 7 todobo sano jir ilaa iyo 14 sano jir oo wiilal kaliya ah, waxaana Caruurta Kolka la geeyo ilaa inta ay ka dhameysanayaan Tacliinta Heerka loogu talagalay la wareegaya Koleejka iyagoo ku sugnaanaya gudaha Kuleejka oo aan banaanka loo ogolaan doonin.

Waxaa maalgeliyey Koleejkan Caalamiga ah hay'ada ALMANHAL, waxaana gacanta ku haya oo hawl wadeen ka ah Sh.Yuusuf C/casiis iyo C/qaadir Yaasiin oo labadu ah muwaadiniin Soomaaliyeed.

Magaalada Qardho ee laga hirgeliyey Koleejkan ayaa iyadu ah Magaalo aad u cimilo wanaagsan oo aan lahayn Xiliyo is-bedbedala sida magaalooyinka Xeebaha Badda cas dhaca oo kale mana laha Xiliyo laga Xagaa Baxo, waxaana ay ka mid tahay Degmooyinka ugu Badan ee Boosaso looga soo Xagaa Baxo Xiliyada kuleylaha Taasi oo door wayn ka qaadan karta waxbarashada Caruurta.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia