Sabti, November 08, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxay howlgallo ka sameeyeen guud ahaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Baydhabo.
Gudaha Magaalada Baydhabo ayaa waxaa saaka lagu arkayay Ciidamo tiro badan oo isugu jira Mileteri iyo Boolis, kuwaasi oo dadka ku amrayay in aysan sameyn karin wax dhaqdhaqaaq ah haddii uu ahaan midkii ganacsiga iyo midkii isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Saraakiisha Booliska Gobolka Bay, gaar ahaan kuwa Magaalada Baydhabo ayaa howlgallada ay Ciidamadan sameynayaan ku tilmaamay kuwo lagu sugayo Ammaanka Magaalada Baydhabo oo muddooyinkan ahaa mid aan hagaagsaneyn.
Col. Aadan Baariyow oo ah Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Bay ayaa sheegay in ay howlgallada sii socon doonaan tan iyo inta laga hagaajinayo ammaanka magaalada Baydhabo, wuxuuna caddeeyay in ay jiraan dad ay howlgallada ku soo qab-qabteen oo lagu tuhunsan yahay in ay lug ku lahaayeen falalka amni darrada ah ee dhawaanahan ka dhacayay magaalada Baydhabo.
Maalmihii aynu ka soo gudubnay ayaa Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay howlgallo ka sameeyeen Magaalada Baydhabo, waxayna howlgalladaas ahaayeen kuwo lagu xanibay dhamaanba dhaqdhaqaaqa dadka iyo Gaadiidka ee magaaladaas.
Dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa waxay isweydiinayaan goorta ay soo af-jarmi doonaan howlgalladan is-daba joogga ah ee ay sameynayaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna walaacoodan ku soo beegmayaa iyadoo ay jriaan warar sheegaya in ay howlgallada socon doonaan ilaa ay Baydhabo uga soo noqon doonaan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo badankood weli ku maqan yihiin Magaalada Nairobi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia