Khamiis, November 06, 2008(HOL): Waxaa maanta Waddooyinka waa wayn ee magaalada Boosaaso isugu soo baxay boqolaal ka mid ah shacabka laga tirdada badan yahay ee ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada Boosaaso.
Dadkan ayaa socod ku soo maray dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay Boosaaso, iyagoo wata boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ay ku muujinayaan kala faquuqa bulshada Soomaaliyeed haddii ay ahaan lahayd dhanka Qabiilka iyo waliba jinsiyadaha.
Waxa ay dadkani markii dambe isugu soo baxeen afka hore ee gobolka, waxaana ay halkaasi ku soo bandhigeen riwaayado ay kaga hadlayaan waxyeelada kala faquuqa.
Sidoo kale dadkani waxa ay wateen boorar ay kugu taageerayaan Madaxwaynaha cusub ee dalka Maraykanka Barack Obama, waxaana ay sheegeen in tani ay tahay fariin ku socota dadka madawga ah.
Maxamed Cali oo ka mid ahaa dadkii isku soo baxaan soo abaabulay ayaa sheegay in loo baahan yahay baal cusub oo loo furo dadka laga tirada badan yahay, isagoo ka codsaday maamulka in laga hortago waxyaabaha bulshada iska hor keeni kara.
Inta badan Dadka Soomaaliyeed waxaa jira qabaa’illo ay yasaan, kuwaasi oo aan laga guursan karin, isla markaana laga fogaado dhaqamadooda ,waxaasae dadkaasi ay ahaayen kuwa arimahaasi oo dhan ka soo horjeeda.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia