Degmada Godinlabe oo laga furay Dugsi Hoose Dhexe

Cabirka Farta

Khamiis, November 06, 2008(HOL): Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo xariga looga jarayey dugsiga hoose dhexe degmada Godinlabe ee maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa shalay lagu qabtay magaalada Godinlabe.
 
Xafladan oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb, culimo-awdiin, dhalinyaro, haween, aqoonyahano iyo odayaal dhaqameed ayaa si balaaran looga hadlay hirgelinta iskuulkan, ujeedooyinka laga leeyahay iyo taariikhda warbarasho ee degmada.
 
Ugu horayn waxaa furitaankii xafladan ka hadlay oo tilmaan ka bixiyey qaabka iskuulku u shaqeyn doono iyo faa’iidada ay waxbarashu u leedahay bani’aadamka Sh. Axmed Xirsi Afrax oo ah maamulaha iskuulkan.
 
Sidoo kale waxaa isna warbixin ku saabsan qaabka iskuulku loo hirgeliyey soo jeediyey guddoomiyaha ururka SSDA ee Filand Cusmaan Maxamed Cali, wuxuuna sheegay in iskuulkan hirgelintiisa ay iska kaashadeen dad samafalayaal ah oo uu wakiil ka yahay Shiikh Axmed Xirsi Afrax iyo ururka SSDA oo fadhigiisu yahay wadanka Filand.

Iskuulkan ayaa markiiba waxaa wax ku baran karta arday gaaraysa 300 oo arday waxaa degmadani baahi weyn u qabtay waxbarasho maadaama dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay aysan lahayn waxbarasho la taaban karo.
 
Intaa ka dib waxaa isna magaca waalidiinta ku hadlay Maxamuud Sandhool Geedi oo isaguna sheegay in dadka Godinlabe diyaar u yihiin in ay carruurtooda waxbaraan, taageerona u baahan yihiin.
 
Maxamed Axmed Diiriye oo ka mid ah aqoonyahanada loogu tala galay in ay iskuulkan macalimiinta ka noqdaan ayaa isna halkaa ka hadlay.

Waxaa isna ku xigsaday guddoomiyaha degmada Godinlabe Cumar Xuseen Xasan wuxuuna tilmaan ka bixiyey ama balan qaaday in maamulka degmada Godinlabe raali ka yihiin hirgelinta iskuulkan isla markaasna ay xooga saari doonaan hormarinta bulshada.
 
Ugu dambayntii waxaa soo xiray xaflada warbixin kala duwana halkaa ka soo jeediyey guddoomiye ku xigeenka ahna kusimaha guddoomiyaha maamulka Ximan iyo Xeeb C/laahi Xasan Faarax oo halkaas ka sheegay in maamulkoodu diyaar u yahay inuu wax ka qabto arrimaha waxbarashada isagoo farta ku fiiqay in dadka deegaankan looga baahan yahay ubadkooda in ay wax baraan isagoo yiri “Jirka waxaa lagu koriyaa biyo iyo cunto, maskaxdana waxaa lagu koriyaa aqoon iyo daryeel”.

Saciid  Axmed Caynte
[email protected]
Cadaado, Somalia