Khamiis, 06 November 2008 (HOL): Masuuliyiinta Somaliland ee Gobolka Sool ayaa ka hadlay Weerar xalay lagu qaaday Saldhig Boolis oo ku yaala Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Halkaas oo sida la sheegay ay rasaas isweydaarsadeen Ciidamadii Saldhigga ku sugnaa iyo qolyaha Weerarka ku qaaday Saldhigga oo la sheegay inay tiradoodu gaadhaysay 26 nin.
Guddoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed (Sandulle) ayaa sheegay in lagu daba-joogo Dadkii Weerarka qaaday, isla markaana uu Weerarkani ahaa mid qorshaysan. Inkasta oo aanu Guddoomiyuhu sheegin khasaare ka dhashay Rasaasta ay isweydaarsadeen Ciidamadii Saldhigga ku sugnaa iyo kuwii Weerarka soo qaaday, haddana Wararka ka imanaya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in dhaawac soo gaadhay mid ka mid ah Ciidamadii Weerarka ku qaaday Saldhigga.
Dhinaca kale, Wasiirka Caddaaladda Somaliland Axmed Xasan Cali (Casoowe) oo Wefti uu hoggaaminayaa ay socdaal ku joogeen Gobolka Sool, ayaa la sheegay inuu Shirar ku saabsan Xaaladda Gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa la galay Guddiga Nabadgelyada Gobolka iyo Masuuliyiinta Maxkamadda Gobolka.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland