Arbaco, 26, 11, 2008 (HOL) Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii xalay waxay ku dileen wiil dhaliyaro ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Gurey goob Biibito ah oo ku taala Xaafada Irida-aamin ee Magaalada Beledweyne, xili qofka dhintay iyo dhalinyaro kale halkaa ay ku wada cayaarayeen Turub.
Qof goob jooge ahaa ayaa HOL u sheegay in dilkaasi ay geysteen Afar dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Qoriga AK-47, waxaana warku intaa ku darayaan in raga hubeysan markii ay soo gaareen goobta Biibitada ah markiiba ay fureen rasaas aan loo meel dayin iyada marka laga soo tago qofka rayidka ah ee geeriyooday sidoo kale rasaastaasi uu dhaawac culus ka soo gaaray qof kale oo tirsanaa dhaliyaradii halkaa ku sugneyd.
Ilaa hadda dhab ahaan looma oga sababta keentay in si toos ah loo beegsado goobta weerarka lagu qaaday, iyadoo ay jiraan marka la eego Magaalada goobo kale dadku habeenkii ku fiidsado, waxaana dhacdadan si weyn uga xumaaday dadka ku dhaqan Xaafadda Irida-aamin ee uu falku ka dhacay.
Saraakiisha Maxkamadaha Magaalada Beledeweyne ayaa ilaa hadda wax war ka soo saarin falkii xalay ka dhacay Magaalada, ilaa haddana lama oga cida dhab ahaan ay ka tirsanaayeen kooxaha weerarka geystay.
Dhinaca kale wararka laga helayo Tuulada Beer-gadiid oo ka tirsan Degmada Matabaan ayaa sheegaya in Gelinkii danbe ee maalintii shalay ay halkaa tageen Ciidamo ka tirsan koox Diimeedka Al-shabaab kadib markii ay ka war heleen in Tuulada Beer-gadiid si qorsoodi ah uu ku soo gaaray Duqii hore ee Degmada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo wata labo Gaadiidka dagaalka ah, waxaana wararku intaas ku darayaan in Aadan Garaaso uu halkaa kula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha Tuulada isaga oo markii danbena dib ku laabtay Degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Waxaa xusid mudan in Xog-hayaha Arrimaha gudaha Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan uu horaatii bishan kula shiray Tuulada Beer-gadiid Odayaal iyo Waxagarad ka soo jeeda Tuulada, kuwaasoo uu kala hadlay sidii loo hirgalin lahaa heshiiskii dhawaan Isbaheysiga uu ka tirsan yahay iyo Dowladda Federaalka ku kala saxiixdeen Dalka Jabuuti.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Kooxo hubeysan oo xalay qof rayid ah ku dilay goob Biibito ah oo ku taala Magaalada Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- Wariyayaal Reer Galbeed ah oo lagu qafaashay Gobolka W/Bari ee Soomaaliya
- Xaaladda Magaalada Gaalkacyo oo maanta degan kadib Qarax xalay ka dhacay
- Madaxwayne Yuusuf oo gaaray Garowe
- Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo ku heshiiyay in la sameeyo Baarlamaan xubnahiisa ay gaarayaan 550 Mudane
- Is-rasaaseyn dhimasho iyo dhaawac sababtay oo xalay ka dhacday Degmada Cabuud-waaq ee Gobolka Galgaduud
- Meydka Haweeney caan ka ahayd Suuqa Bakaaraha oo laga helay Xaafadda Al-Baraka ee Degmada Hodan
- Agaasimaha Idaacadda Warsan ee Magaalada Baydhabo oo maalintii labaad Xabsi ku jira