![]() |
| Hotelka ay ku shiraan Ergooyinka Soomaalida ee Kempinski |
Wararku waxay intaas ku darayaan in labada dhinac maalmihii aynu ka soo gudubnay ku shirsanaa Hotelka Kempiniski ay ugu dambeyntii xalay isku af-garteen in la ballaariyo Baarlamaanka Soomaaliya, lana gaarsiiyo 550 Mudane, taasi oo ka dhigan in 275-ka Mudane ee uu hadda ka kooban yahay Baarlamaanka TFG-da lagu biiriyo 275 mudane oo kale oo ka imaanaya Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.
275-ka Mudane ee la siiyay Isbaheysiga Dib u xoreynat Soomaaliya ayaa 200 oo ka mid ah waxay ka imaaneysaa Isbaheysiga gudahiisa, halka 75-ka soo hartayna uu Isbaheysiga siiyay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo loo arko in ay muhiim u tahay geedi-socodka nabadeynta Soomaaliya.
Hoggaamiyaha Egrada Isbaheysiga Dib u xoreynta ee Wada Hadallada Jibouti C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in heshiiska ay labada dhinac gaareen uu yahay mid ugu dambeynta lagu soo dhisi doono Dowlad-Midnimo-Qaran, taasi oo laga wada qeybgeli doono, wuxuuna sheegay in heshiiska ay labada dhinac gaareen lagu dhaqangelin doono muddo bil ah, kadibna ay dhinacyada shir isugu soo noqon doonaan.
Haddaba Heshiiskan Awood qeybsiga ee ay gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa wuxuu yahay mid fulintiisa ay adkaan doonto waayo xal u helidda mushkiladda Soomaaliya waxaa muddo 4 sano ka badan isku khilaafsan 275 mudane oo uu ka kooban yahay Baarlamaanka TFG-da, halka Baarlamaanka la dhisi doono ee awood qeybsiga ku imaanaya uu gaarayo 550 Mudane.
Ugu dambeyntiina, xaflad saaka ka dhaceysa Magaalada Djibouti ayaa lagu wadaa in heshiiskaas lagu saxiixo, isla markaana ay hoggaamiyayaasha ergooyinka labada dhinac ay jeediyaan hadallo ku saabsan heshiiska ay gaareen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
