Agaasimaha Idaacadda Warsan ee Magaalada Baydhabo oo maalintii labaad Xabsi ku jira

Cabirka Farta

Arbaco, November 26, 2008(HOL): Waxaa maalintii labaad ku jira Xabsi uu maamulo Maamulka Gobolka Bay Agaasimaha Idaacadda Warsan Ilyaas Shuceyb, kaasi oo ay shalay xabsiga dhigeen ciidamo ka amar qaata maamulka Gobolka Bay.

Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey oo wax laga weydiiyay sababta loo xiray Agaasimaha Idaacada Warsan ayaa sheegay in lagu soo xiray sabab la xiriirta warar shalay ka baxay Idaacadda oo ka dhan ahaa maamulka Gobolka, kaasi oo uu ka gaabsaday in uu sheego waxa uu ahaa.

Xariga Agaasimaha Idaacadda Warsan ayaa waxaa si kulul u cambaareeyay Ururrada Saxaafadda iyo Xuquuqda Aadanaha u dooda ee ka howlgala Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo sheegay in xariga Agaasimaha uu yahay mid ka dhan ah Xoriyadda Hadalka iyo madax bannaanida Saxaafadda.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Agaasimaha Idaacadda Warsan Xabsiga la dhigo, waxaana horay u jiray dhowr jeer oo hore oo sidan oo kale ay Ciidamada Maamulka Gobolka Bay xabsiga u dhigeen, iyadoo xarigiisana lala xiriirinayay in Idaacadda uu ka baxay war uusan maamulkaas jecleysan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey oo qudhiisa horay u soo noqday Agaasimaha Idaacaddan ayaa intii uu xilkaas hayay waxaa dhowr jeer xiray Maamul ka horeeyay midka uu isagu hadda madaxda ka yahay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia