Meydka Faarax Sendiko oo si heer Qaran ah loogu aasay Magaalada Muqdisho


Talaado, November 25, 2008(HOL): Waxaa saaka si heer Qaran ah loogu aasay Qabuuraha Xaaji Dalfac ee Degmada Yaaqshiid meydka Marxuum Faarax Wehliye Caddow Sendiko oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Qaahira ee Dalka Masar, shalayna Muqdisho la keenay.

Meydka Marxuumka oo Salaadda Janaasada lagula tukaday Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa waxaa ka qeybgalay dadweyne aad u faro oo isugu jiray Ehellada iyo Asxaabta Marxuumka, Bahda Isboortiga Soomaaliyeed iyo dad kale oo aan marxuumka aqoon gaar ah u lahayn balse la dhacsanaa taariikhdiisa iyo waxqabadkiisii Isboorti.

Kadib waxaa meydka marxuumka loo qaaday Qabuuraha Xaaji Dalfac, halkaasi oo si heer Qaran ah loogu aasay, iyadoo ay aaskiisa ka soo qeybgaleen Culumaa’udiin si weyn looga yaqaano Soomaaliya, kuwaasi oo uu horkacayay Macallin Nuur Maxamed Siyaad iyo weliba mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan ka xusi karno Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dadkii ka qeybgalay aaska marxuumka ayaa intii aysan ka tegin Qabriga waxay marxuumka ugu duceeyeen in uu Allaah Naxariista Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Ehelladii iyo Asxaabtii uu ka tegayna uu samir iyo Iimaan ka siiyo.








Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia