Talaado, November 25, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Jibouti ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in aaney ciidamada Itoobiya uga bixin fariisimo ay ku leeyihiin Muqdisho waqti loo qabtay oo ku beegnaa 21-kii bishan.
Xoghayaha Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Dr. Maxamed Cali Ibraahim ayaa shaaca ka qaaday in ay cabasho ku saabsan arrintaas ay u gudbiyeen Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay in Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay u sheegeen in uu jiro dhaqdhaqaaqo ay Ciidamada Itoobiyaanka sameeyay, inkastoo sida uu yiri aaney u sheegin meelaha ay dhaqdhaqaaqa ka sameeyeen.
Dr. Maxamed Cali Ibraahim waxaa uu sheegay in sidoo kale ay ka xun yihiin in aaney istaagin xabadda tan iyo markii la saxiixay heshiiskii Jibouti, wuxuuna caddeeyay in ay dareemayaan in ay jiraan dad aan heshiiskaas rabin oo dagaallada wada, kuwaasi oo sida uu hadalka ku dhigay doonaya in ay Ciidamada Itoobiyaanka celiyaan Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayuu ugu baaqay in ay la dhaqangeliyaan heshiiskii Jibouti, isla markaana ay xabadda joojiyaan inta ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxayaan Soomaaliya.
“Waan la soconnaa in ay Ciidamada Itoobiyaanka dhibaatooyin baaxad leh ka geysteen Soomaaliya, hayeeshee waxaan rabnaa in ay dalkeena nooga baxaan, kadibna aan kula xisaabtanno dhibaatooyinkii ay noo geysteen”ayuu yiri Dr. Maxamed Cali Ibraahim oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia