
Talaado, November 25, 2008(HOL): Masjidka Abuu Hureyra oo ku yaala inta u dhaxeysa Waddooyinka koowaad iyo labaad ee Suuqa Bakaaraha ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu qabtay muxaadaradii labaad oo looga digayo fidnada.
Muxaadaradaan oo ay ka soo qeyb galkeen dadweyne aad u fara badan oo kala yimid Degmoyinka Gobolka Banaadir qaarkood ayaa waxaa ka hadlay Culumaa’udiin si weyn looga yaqaano Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Dr. Axmed Macallin Maxamed (Axmed Iimaan) iyo Macallin Maxamuud Macallin Nuur.
Culumaa’udiinkan ayaa waxay muxaadarooda cinwaan uga dhigeen ka digista fidnada, waxayna ka hadleen qodobo ku saabsan in dadka la gaaleysiiyo, in la boobo raashinka gargaarka ah iyo handadaadaha dadka loo geysto iyo dadka loo dilo in ay Dowladda la shaqeeyaan.
Culumaa’udiinkan waxay sheegeen in aaney diinta Islaamka meelna uga oolin in qof muslim ah xoolihiisa la dhaco ama handadaad loo geysto, si uu u cararo, waxayna sidoo kale sheegeen aysan bannaaneyn in la boobo raashinka mucaawinada ee loo wado dadka masaakiinta ah.
Sidoo kalena waxay sheegeen Culimada in la dilo qof masjid ka soo baxay ama weeseysanaya sida horayba u dhacday, waxayna sheegeen in qofka lagu dili karo seddex arrimood oo kala ah (1) in uu sineystay isagoo guur soo maray (2) in uu qof dilay (3) iyo in uu diinta ka baxay.
Muxaadarada xalay lagu qabtay Masjidka Abuu Hureyra ayaa waxay noqoneysaa middii labaad oo wacyigelin ah oo halkaas lagu qabtay, waxaana horay loogu qabtay Muxaadaro cinwaankeedu ahaa halkey iska qaban la’ dahay, iyadoo muxaadaradaasna looga hadlayay qodobo kuwii xalay la xiriiray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia