Xildhibaanno uu yeelanayo Gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu dhaariyay

Axad, November 23, 2008(HOL): 69 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu dhaariyay Guriga Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Xubnahan maanta la dhaariyay oo lagu soo xulay qaab 4.5 ah ayaa waxay saldhig u noqon doonaan maamul uu yeelan doono Gobolka Banaadir, kaasi oo ay isla xubnahan soo dooran doonaan.

Sida laga sheegay madashii lagu dhaariyay Xildhibaanadan ayaa waxay heystaan muddo 120 maalmood ah oo ay ku soo dhisayaan maamul uu yeesho Gobolka Banaadir, kaasi oo ku imaan doona qaab doorasho ah.

Markii la dhaariyay Xildhibaannadan ayaa waxaa madashii lagu dhaariyay ka hadlay Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), ku xigeenkiisa Axmed C/salaan Xaaji Aadan iyo Wasiirka Beeraha Mustaf Dhuxulow, waxayna xubnaha la doortay ugu baaqeen in ay gobolka Banaadir u sameeyaan maamul ay si xaq ah oo xor ah u soo doorteen.

Haddaba iyadoo Xildhibaannadan maanta la dhaariyay ayaa dhinaca kale waxaa jira cabashooyin ka soo baxaya qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku doodaya in aan sedkoodii si xaq ah looga siinin Xildhibaannada Gobolka Banaadir, inkastoo 69-ka Xildhibaan ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir la sheegayo in lagu soo xulay qaab qeybsiga afar beelood iyo bar (4.5).

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa wuxuu noqday mas’uulkii ugu horeeyay oo ka soo horjeesta Xildhibaannada loo dhaariyay Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in qaabka lagu soo xulay ay tahay qaab xaaraan ah.

Maxamed Dheere oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo gurigiisa lagu dhaariyay mudanayaasha Baarlamaanka uu ka shaqeynayo sidii loo marin-habaabin lahaa maamul u sameynta Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in uusan aqoonsaneyn Ra’iisal Wasaarenimada Nuur Cadde oo uu xusay in ay xalay ku ekeyd, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Maamul kasta oo ka soo baxa Guriga Nuur Cadde lama shaqeyn doono, maxaa yeelay ma ahan mid si xalaal ah ku yimid waxaana guddigii loo saaray ka faro-maroogsaday Nuur Cadde”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in maamul uu yeesho Gobolka Banaadir uu soo magacaabi karo kaliya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia