Madaxwayne Cadde oo ka hadlay xiriirka Puntland kala dhaxeeyay Itoobiya iyo khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya

Axad, November 23, 2008(HOL): Madaxwaynaha DGPL Maxamuud  Muuse Xirsi General Cadde markii ugu horaysay ka hadlay xiriirka Puntland kala dhaxeeya Dowladda dalka Itoobiya, waxaana uu sheegay  in uu yahay mid u wanaagsan.

Madaxwaynaha ayaa hadalkaan jeediyay xilli uu  shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, waxaana inta badan uu ka jawaabayay su’aalo ku saabsan xaaladaha dalka Somalia .

"Xiriirka naga dhaxeeyay annaga iyo Itoobiya waa mid soo jireen ah oo lama taabtaan ah, waana Dawladda   kaliya ee aan wada shaqaynta tooska ah leenahay" Sidaasi waxaa yiri Madaxwayne Cadde oo war fidiyeennada la hadlayay.

Madaxwayne  Cadde ayaa hadaladiisa ku lifaaqay in Itoobiya ay wax badan ka qabtay gudaha dalka Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ah meesha ay inta badan ka dhacaan dagaallada Somalia

Waxaa kaloo madaxwaynaha wax laga waydiiyay khilaafka u dhaxeeyay madaxda dawlada KMG ah,waxaana  uu ku canaantay labada garab ee is haya is-fahan la,aanta dhax taal, isagoo intaasi ku daray in laga gudbi doono dhibaatooyinka siyaasadeed ee dalka haysta.

Hadalka ka soo baxay Madaxwaynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya xili khilaaf xoogan uu dhaxeeyo dhinacyada isku haya siyaasadda Somalia, isla markaana uu Waqtiga uu ka sii idlaanayo xukuumada uu madaxwaynaha ka yahay Jen. Cadde Muuse.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia