Mareykanka iyo Ruushka oo ku heshiiyay in ay la dagaallamaan Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov
Axad, November 23, 2008(HOL): Dowladaha Mareykanka iyo Ruushka oo ka mid ah dalalka awoodda mileteri ku faana ee caalamka ayaa shaaca ka qaaday in ay gaareen is-af-garad ay kula dagaallamaan kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in isaga iyo dhiggiisa Mareykanka haweeneyda lagu magacaabo Condoleezza Rice ay ku heshiiyeen in ay la dagaallamaan Kooxaha Burcad Badeedka ee dhibaatada ku haya Xeebaha Soomaaliya.

“Waxaan isla garanay in ay jirto baahi ku saabsan in dadaal dheeraad ah la geliyo meel-marinta qaraarkii ka soo baxay Qaramada Midoobay ee ku aadanaa in lala dagaallamo Kooxaha Burcad Badeed, waana muhiim inaan ka wada hadalno tallaabada uu golaha ammaanka qaadi lahaa”ayuu yiri Sergei Lavrov oo intaas ku sii daray.

“Waa muhiim in aan sameyno wax kasta oo aan kula dagaallameyno ficillada aan wanaagsaneyn ee ay ku kacayaan kooxaha Burcad Badeedka ah, ma ahan oo kaliya in aan biyaha kaliya kula dagaallameyno, laakin waxaan isku dayeynaa in aan soo celino amnigii iyo kala dambeyntii Xeebaha Soomaaliya annaga oo taasna la kaashaneyna Dowladda uu Wadanka Soomaaliya leeyahay”.

Hadalka uu sii daayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo madaxweynayaasha Mareykanka George W Bush iyo Ruushka Dmitry Medvedev ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka labadooda dal iyo weliba khatarta ay keeneen Burcad Badeedka Soomaalida, iyagoo wada hadalladooda ku caddeeyay sida ay diyaar ugu yihiin in ay wax ka qabashada dhibaatada Xeebaha Soomaaliya.

Maraakiib dagaal oo ay leeyihiin labadan Dowladood ayaa haatan waxa ku sugan yihiin Xeebaha Soomaaliya, waxayna ilaalo ka wada hayaan Markab hub wada oo ay Kooxo Burcad Badeed ah heystaan, iyadoo aaney jirin wax tallaabo ah oo ay ilaa iyo haatan wada qaadeen Ciidamada labada Dowladood.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia