Arbaco, November 19, 2008(Cayaaraha) - Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun: Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee waxaa caawa magaalada Qaahira ee dalka Masar ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee GOS iyo xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta Faarax Weheliye Caddow "Sindiko".
Faarax Sindiko ayaa ku dhex jiray isla markaana xilal badan ka soo qabtay cayaaraha dalkeena muddo ka badan 40 sano asagoo xilal aad u sareeyana ka gaaray sport ga dalka, kan qaaradda Afrika oo uu mar ka noqday guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta iyo waliba dunida oo uu magac wayn ku lahaa.
Faarax ayaa laga ganaaxay dhaqdhaqaaqii kubadda cagta dunida muddo 10 sano ah, kaasoo uu sababay khilaaf u dhexeeyey alaha u naxariistee Faarax Sindiko iyo guddoomiyaha FIFA ayaa sababay in uu Faarax muddo ka maqnaa cayaaraha dalka inkastoo dhawaan uu guddoomiyaha FIFA sheegay in uu cafiyey Faarax Sindiko.
Geeridan naxdinta leh ayaa waxaa si aad ah uga naxay dhamaan bahwaynta cayaaraha ee dalkeena ayadoo la wada ogsoon yahay kaalinta baaxadda leh ee Faarax Sindiko ka qaatay horumarinta cayaaraha dalkeena.
Tifatiraha shabakaddan cayaaraha.com asagoo ku hadlaya magaca shabakaddan waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday alaha u naxariistee Faarax Wehliye Caddow "Sindiko" waxaanan ilaahay uga baryeynaa in uu janadii ka waraabiyo ayagana samir iyo iimaan ka siyo.
Guddoomiyaha guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Cabdulqaadir Abkow Gacal, Guddoomiye kuxigeenada GOS mudane Aaden Xaaji Yabarow "Wiish" iyo mudane Duraan Axmed Faarax ayaga oo ku hadlaaya magaca dhamaan guddiga olimbikada soomaaliyeed iyo bahwaynta cayaaraha kala gedisan ee dalka waxa ay tacsi aad u tiiraanyo badan u dirayaan qoyskii, eheladii iyo dhamaan bahwaynta Sport ga Soomaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee caawa ku timid alaha u naxariistee halyeygii Sport ga Soomaaliyeed Faarax Wehliye Caddow "Sindiko" ayagoo ilaahay uga baryey in uu janadii fardawsa ahayd geeyo ayagana samir ka siiyo.
"Ma dhinte waa ilaah, Faarax taariikhda cayaaraha Soomaaliyeed baal dahab ah ayuu kaga jiraa GOS iyo Bahda cayaaruhuna ma iloobi doonaan".
Dhamaan bahwaynta cayaaraha ee Magaalada London oo isugu jira cayaartoydii hore, macalimiintii hore, taageerayaashii iyo maamulayaashiiba ayagoo ka tiiraanyeysan geerida naxdinta leh ee ku timid aabahood Faarax Wehliye Caddow "Sindiko" waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan caruurtii iyo eheladii uu ka geeriyooday Faarax Sindiko waxayna ilaahay uga baryayaan in uu samir ka siiyo asagana janatul fardawsa albaabadeeda u Furo.
Maxamed C/Raxmaan "Buuwe"
cayaaraha.com