Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti oo sheegay in khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka uu saameyn ku yeelan karo heshiiskii Jibouti

Cabirka Farta

Arbaco, November 19, 2008(HOL): Mas’uul u hadlay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ayaa shaaca ka qaaday in khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya uu sameeyn ku yeelan karo Heshiiskii Jibouti ee u dhaxeeyay Isbaheysigooda iyo Dowladda Federaalka.

Mas’uulkan oo ah C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho u sheegay in ay ka xun yihiin khilaafka soo kala dhexgalay madaxda sare ee Dowladda, wuxuuse sheegay in ay iyagu mar kasta diyaar u yihiin meel-marinta waxyaabihii lagu heshiiyay.

“Annaga mar kasta madasha Jibouti ayaan ku sugeynaa ciddii wada hadal iyo nabad diyaar u ah, ciddii aan rabinna iyada ayaa la arki doonaa”ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo Isbaheysiga Dib u xoreynta u saxiixay Heshiiskii uu la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kalena, C/raxmaan C/Shakuur waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u dulqaataan dhibaatooyinka soo gaaraya, wuxuuna xusay in uu dhow yahay waqtigii ay dhibka ka bixi lahaayeen.

Sidoo kalena, dhalinyarada dagaallada la gelinayo ayuu ka digay, wuxuuna caddeeyay in aan loo baahneyn in dagaallo lagu dhameeyo dhalinyarada oo berri anfaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, weliba xili xal laga gaarayo Mushkiladda Soomaaliya, isla markaana ay Soomaalida u socdaan in ay aayahooda ka tashadaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia