Arbaco, November 19, 2008(HOL): Dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka subaxnimadii waxaa uu ka dhacay xaafado ka tirsan Degmooyinka Wardhiigley iyo Howl-wadaag ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalka oo bilowday aroor hore oo saaka ah ayaa wuxuu qarxay kadib markii xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Isgoysyada Florenza iyo Sayidka iyo nawaaxiga Xarunta Villa Somalia.
Khasaaraha uu dagaalkan geystay ayaa inta la xaqiijiyay oo dad rayid ah ka soo gaartay waxaa uu gaarsiisan yahay dhaawaca labo ruux oo rayid ah, kuwaasi oo ay rasaas habow ah ugu tagtay meelo ay ku sugnaayeen, halka aysan jirin cid xaqiijin karta khasaaraha soo gaaray dhinacyada dagaallamay.
Laakin Afhayeen u hadlay Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Daahir Maxamed Xirsi ayaa sheegay in dhinacooda uu soo gaaray dhaawaca hal askari, halka uu sheegtay in ay dhinacii ka soo horjeeday ka dileen dhowr dagaalyahan.
Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federalka, kaasi oo ku saabsan khasaaraha geysteen iyo midka ka soo gaaray dagaalkii saaka ka dhacay Degmooyinka Wardhiigley iyo Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalka saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay labo maalmood kaliya ka harsan tahay mudadii loo qabtay in ay Ciidamada Itoobiya uga guuraan fariisimo ay ku leeyihiin gudaha Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia