Dhaqdhaqaaq Ciidan oo ka jira Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

Cabirka Farta

Khamiis, November 13, 2008(HOL): Wararka naga soo Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in uu halkaas ka jiro dhaqdhaqaaq Ciidan, iyadoo Ciidamadaasna ay isugu jiraan kuwo Itoobiyaan ah iyo kuwo ka soo horjeeda.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata 9 Gaari oo Ural ah oo ka soo amba baxay Degmada Afgooye ayaa waxay socod lug ah ku mareen Wadada isku xirta Degmada Afgooye iyo Magaalada Muqdisho, iyadoo intii ay Wadada socdeen lagu dhagaxyeeyay inta u dhaxeysa Xaawo Cabdi iyo Ceelasha Biyaha, lamana soo sheegin wax dhibaato ah oo ay geysteen Ciidamadaas.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo lagu soo waramayo in ay gaareen Deegaanka Siinka Dheer ayaa la sheegayaa in wax yar ka hor  intii aysan halkaas gaarin ay Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Nawaaxigiisa ka tageen Xoogagga ka soo horjeeda  Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ilaa xalay halkaas ku sugnaa.

Dhaqdhaqaaqa ay bilaabeen Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay deegaanka Ceelasha Biyaha oo ah meesha ay u barakaceen dadkii ugu badnaa ee ka qaxay magaalada Muqdisho ay xalay gaareen Xoogag Islaamiyiin ah, kuwaasi oo sheegay in ay halkaas u tageen sugidda Ammaanka Deegaankaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia