Khamiis, November 13, 2008(HOL): Ciidamada Badda Britain ee Xeebaha u jooga in ay la dagaallamaan Kooxaha Burcad Badeedka ayaa waxay toogteen burcad badeed Soomaali ah oo isku dayayay in ay af-duubtaan Markab laga leeyahay Dalka Denmark.
Kooxaha Burcad Badeedka oo markii hore isku dayay in ay la dagaallamaan Ciidamada Badda Britain oo Markab dagaal saarnaa ayaa markii dambe laga itaal roonaaday kadib markii labo ka mid ah la toogtay.
Markabka dagaal ee Britain oo lagu magacaabo HMS Cumberland ayaa wuxuu Xeebaha Soomaaliya uga howlgelayaa Magaca NATO, wuxuuna qeyb ka yahay 7 Markab oo ay NATO u soo dirtay Xeebaha Soomaaliya.
Howlgalka lagu barbaadiyay Markabka Denmark ayaa waxaa kale oo ka qeyb qaatay Markab Dagaal oo uu Ruushka leeyahay oo lagu magacaabo Neustrashimy, kaasi oo ay ka soo dul-kacayeen diyaarado dagaal oo Helicopters ah.
Afhayeenno u kala hadlay Wasaaradaha Gaashaandhigga Britain iyo Ruushka ayaa sheegay in Doon ay wateen Kooxaha Burcad Badeedka oo ay gacanta ku dhigeen ay ku arkeen Meydka Nin ay u garteen in uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Dalka Yemen, kaasi oo intii is-rasaaseynta socotay dhaawacmay, laakin dhaawacaas u geeriyooday.
Waxaa tallaabadii ugu horeysay oo ay Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ay ka qaadaan Kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida oo iyagu dhawaanahan af-duubanayay Maraakiibta iyo Doomaha isaga kala goosha Xeebaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia